Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdiwali Sh.Axmed oo gaaray dalka Itoobiya

August 19, 2014 - Written by Editor

unnamed8Ehtiopia:-Ra’iisul Wasaaraha Xuuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/wali Sheikh Axmed iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullahi Godax Bare, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiri galinta Maalgashiga mudane Cabdiraxman Ducaale Bayleh iyo Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha mudane Axmed-Daahir Cabdikarin Nuur, ayaa galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa, si ay uga qayb galayaan shir ay soo qaban qabisay Hay’ada Qaxootiga Aduunka (UNHCR)

Shirkaan oo bari furmaya ayaa waxaa ka soo qayb galaya wadamada gobolka sida Yeman,, Jabouti, Ehtiopia, Kenya iyo Ugandha, iyo Hay’ada kale oo caalami ah. U jeedada shirkaan laga leeyahay ayaa ah, si ay dowlada Soomaaliya ugu muujiso caalamka sida ay u go’an tahay in xal waara loo helo qaxootiga Soomaaliyeed oo ku nool wadamda dariska ah.

Shirkaan ayaa la filayaa in laga soo jeedayo firkarado xal u keenaya qaxootiga soomaliyeed iyo in wadamada gobolku ay ka qaataan u jeedo midaysan. Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu dadaal u gali doonaa sidii caalamka looga dhaadhicin lahaa in dowladda Soomaaliya gacan laga siiyo sidii Qaxootigu dalkooda ugu soo noqon lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa siinaysa shirka muhiimad gaar ah, madaama Qaxooti Soomaaliyeed oo tiro badan ay ku sugan yihiin wadamada dariska ah, taas oo culays ku ah gobolka iyo dowlada Soomaaliya

–DHAMAAD–

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online