Ra’iisul Wasaaraha DFS oo khudbad ka jeediyey shirkii looga hadlayey arrimaha qaxootiga Soomaaliya.[Masawiro]

August 20, 2014 - Written by Editor

1Addis,Ababa, 20, August, 2014.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya C/wali Sh.Axmed iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa saaka ka qayb galay shir ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, oo looga hadlayo xal u helidda qaxootiga Soomeeliyeed ee ku nool daafaha caalamka gaar ahaan wadamada dariska. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Hay’ada Qaxootiga aduunka UNHCR ayaa waxaa lagu casuumay shanta dal ee deriska la ah Soomaaliya (Kenya,Ethiopia, Yemen, Djibouti iyo Uganda) madax ka socota Wasiirada ka kala socday wadamada ka soo qayb galay shirkaan ayaa dhamaantoo shirka ka sheegay in ay sii wadayaan marti galinta qaxootiga Soomaaliya, kalana shaqaynayaan dowalada Soomaaliya sidii ay dalka u xasilin lahayd, taas oo u baahan waqti iyo is garabtaag caalamku u muujiyo dowladda Soomaaliya.

Madaxa Hay’ada Qaxootiga Aduunka mudane Guturees, ayaa aad uga dheeraday ahmiyada shirkaan u leeyahay in wax loo qabto qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka dibadiisa iyo gudihiisa, laguna soo jeediyo indhaha caalamka in qaxotiga Soomaaliyeed ay yihiin kuwo dhibaataysanaa mudo rubac qarni ah.

“Wali waxaa ka jira qaar ka mid ah gobolada dalka amni xumo aan u saamaxayn in qaxootigu ay ku noqdaan dalkooda, waxaa laga rabaa wadamada shirkaan fadhiya in ay sii wadaan dulqaadkooda ku aadan marti galinta qaxootiga Soomalida, waxaa qayb ka ah shaqadayda ilaalinta iyo u doodida qaxootiga aduunka, anigoo ku xadgudbaynin shuruucda u taala wadamada ay qaxootigu joogaan, waajibka na saarana maahan inaan qaxootiga kaliya ka hadalno ee waa inaan dadaal u galnaa in dalka siyaasada ahaan iyo amni ahaanba uu noqdaa mid u saamixi kara in qaxootigu dalkooda ku noqdaan,” ayuu yiri Madax UNHCR Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali sheikh Axmed ayaa sheegay in ka badan Hal milyan oo Soomaali ah ay qaxootinimo ku joogaan wadamada dariska ah, halka intoo kale ay ku barakaceen dalka gudihiisa.

“Waxaan ugu horayn halkaan ugu mahadcelinayaa wadamada magangalyada iyo soo dhaweynta u sameeyey qaxootiga Soomaaliyeed. Qaxootigaas badankiisu waa dadka ugu jilicsan bulshada, waxayna u baahan yihiin waxyaalo badan, balse waxaa adag in ay helaan baahiyahooda oo dhamaystiran. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Hay’adaha qaybta weyn ka qaata wax u qabashada qaxootiga, sida UNHCR, IOM, iyo Hay’adaha kale ee UN” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kalana xusay in waftiga balaran ee uu hogaaminayo laga daalacan karo sida ay uga go’antahay in mustaqbalka dhow dalkooda dib ugu soo noqon lahaayeen qaxootiga Soomaaliyeed, inta ay joogaan wadamada marti galiyeyna u heli lahaayeen xuquuqahooda asaasiga ah.

“Waxaa meesha laga saari karin oo in la xuso qurba joogta Soomaliyeed qaybta ay ka qaataan sida ay u caawiyaan dadkooda gudaha ku dhibaataysan, halka qaar kalana wadamada ay joogaan ka sameeyaan horumar dhanka ganacsiga, sidoo kalana qayb ka qaataa kobcinta dhaqaalaha dalalkaas, iyagoo isticmaalaya xirfadahooda shaqo” “Dhawaan waxaan kulan kula qaatay dalka Kenya madaxweyne Uhuru Kenyata iyo ku-xigeenkiisa, waxaana isla soo qaadnay sidii loo fulin lahaa heshiiskii sadex geesoodka ahaa, si hab sharciyeeysan loogu diyaariyo qaxootiga in ay dalkooda ku soo noqdaan iyagoo aan la khasbin”

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u xaqiijiyey madaxdii shirka ka soo qayb gashay in xukuumadiisu ay dadaal ugu jirto in ay meesha ka saarto wixii caqabad ah oo ka hortaagan qaxootiga in ay dalkooda ku soo noqdaan. Waxaa ciidamda Soomaaliya oo kaashaanaya walaalahooda AMiSOM dadaal ugu jiraan sidii loo xasilin lahaa dalka, looguna diyaarin lahaa qaxootiga jawi nabadeed oo ay ku soo noqon karaan.

Shirka oo galabta soo gabagaboobay ayaa waxaa ka soo baxay labo dukomenti oo kala ah:

1. Go’aan wada jir ah oo ay qaateen shanta wadan ee qaxootigu joogaan iyo dowladda Soomaaliya. Dukumentiyadaas waxay sheegayaan ayidaada qorshaha caamka ah ee xal u helida arrimaha qaxootiga Soomaaliya.

2. Iyo Warmurtiyeed ay soo wada saareen dhamaan madaxdii ka qayb galay shirka iyo Hay’ada UNCHCR. Kaas oo qeexaya in wadan kasta uu sii wado qaybta uu ka qaadan karo sii haynta qaxootiga iyo in dhinaca Soomaaliya loo diyaariyo jawi ay dadku dalkooda ugu soo noqon lahaayeen iyo Hay’ada Qaxootiga Aduunka sidii ay kaalin muuqata uga gaysan lahayd haynta iyo soo ceelinta qaxootiga Soomaaliya.

no images were found

–DHAMAAD—
Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Addis-Ababa, Ethiopia
Media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online