Ra’iisul Wasaaraha DFS oo kulan la yeeshay Agaasimayaasha Warbaahinta Madaxa Banaan

August 19, 2014 - Written by Editor

5Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa caawa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho, Kulanka ayaa waxaa ku wehliyay Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta. Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Beeraha, iyadoo lagu casuumay agaasimayaasha warbaahinta gudaha dalka iyo kuwa caalamiga ah, waxaana kulankan oo qaatay muddo saacado ah la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku aaddan sidii ay wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen dowladda iyo qeybaha warbaahinta.

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay ujeedka Kulanka inuu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya Xukuumadda iyo Warbaahinta, isla markaana wixii qaladaada ah wadajir loo saxo.

Ra’iisul Wasaaraha oo furay kulankan ayaa madaxda hay’addaha warbaahinta u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay wadashaqeyn dhow la yeelato warbaahinta iyo sidii ay iskaashi buuxa u yeelan lahaayeen labada dhinac.

“Caawa aniga ayaa idiin yeeray waxana ujeedku yahay inaan iska waraysano sidii aan dalka u dhisi lahayn, Codkii dadka iyo indhihii dalka ayaa tihiin waa in aad uga faa’iidysataan sidii dalkaan looga saari lahaa dhibka, Waxaa naga go’an in aan lagu xadgudbin xoriyadda Saxaafadda waa naga go’an in la ixtiraamo madaxbanaanida warbaahinta, idinkana waajibaad ayaa idin saaran waa in aad qaadataan Waajibaadkiina” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

“Aragtida Dowladda oo cad waa in la arko Soomaaliya oo nabad ah, mideysan, dimuqoraadi ah lagana xurmeeyo xuquuqda aadahana oo ku taagan tubta horumarka”. Ayuu sii raaciyey Ra’iisal Wasaaruhu.

no images were found

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay madax iyo howlwadeeno ka tirsan warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyaga oo soo bandhigay aragtidooda ku wajahan sida loo sii horumarin karo xiriirka dawladda iyo warbaahinta, iyaga oo balan qaaday inay ka shaqeyn nayaan wacyigelinta bulshada si loo helo amni, dib u dhis iyo horumar.

—DHAMMAAD—
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online