Raisulwasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh oo dib ugu laabtey Muqdisho [Masawiro]

August 29, 2014 - Written by Editor

1Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne kale.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo faah-faahin ka bixiyay socdaalkiisa ayaa sheegay in uu ka qeyb galay shirar muhiim u ah Soomaaliya, isla markaana looga hadlayay arrimaha Qaxootiga Soomaaliya oo kasoo qeyb galeen dalalka ay daganyihiin Qaxootiga Somalidu, waxana uu sidoo kale xusay in uu booqasho taariikhi ah ku tagay xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo hoy u ah Qaxootiga ugu badan caalamka

“Waxaan magaalada Addis Ababa uga qeyb galnay shir ballaaran oo looga hadlayay arrimaha Qaxootiga oo ay kasoo qayb galeen wadamada marti galiyey qaxootiga Soomaaliyeed, waxayna noo balan qaadeen in ay dalalkooda kusii nagaan doonaan qaxootigu inta waqtigu saamaxayo in si iskood ah dalkood ugu noqdaan”.

“Waxaan booqday Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, waxaan u kuurgalnay xaaladdaha ay ku suganyihiin dadkeennu, runtii waxaan halkaas kusoo aragnay dad ay ka go’antahay in ay dalkooda kusoo laabtaan dadkoodana wax la qabsadaan”.

no images were found

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia in uu sidoo kale uga qeyb galay shir ay yeesheen dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo looga hadlay sidii lagu joojin lahaa colaadda dabada-dheeraatay ee ka taagan Koonfurta Sudan, kuwaas oo u dhexeeya madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas iyo madaxweynaha dalkaas Salva Kiir.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online