Sh Cabdi Qani Qorane oo lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe[Masawiro]

August 30, 2014 - Written by Editor

DSC01241Garoowe:-Waxaa maantay  lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe intention Sh Cabdi Qani Qorane ka dib markii shil gaari oo uu galay uu arrimo caafimaad uu u aaday dalka Jarmalka. Sh.C/qani Qorane Maxamed waxaa ay soo dhaweynta loo sameeyey ay hayd mid heer sare ah ayna ka qayb galeen qaar ka mid ah golaha wasiiradda ee Puntland, culimo’udiin  gudoomiyaha gobolka Nugaal, Duqa magaalada Garoowe, Arday  haween  iyo mas,uuliyiin kale oo badan .

Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland Dr.Sadiq Enow oo ka mid ahaa mas,uuliyiin tii ka qayb galay  soo dhaweynta sheekha ayaa goobta ka hadlay waxaana Wasiirku yiri  waa illah mahadiis hadii eebe noo soo celiyay Sh.Cabdi Qani Qorane  Maxamed oo caafimaad qaba waxaana rajaynayaa in Sh Qorane uu mas,uuliyadii balaar nayd ee uu umada u hayay uu meesheedii ka sii wadi doone waxaa isna goobta ka hadlay Wasiirkii hore ee maamul wanaaga dowladda Puntland Mudane Maxamed Cise Faarax Gaashaan  waxaana uu qiray in aan la ilaawi karin kaalinta muga leh ee uu kaga jiro jiritaanka umada reer Puntland waxaana Wasiirku ku sifee yay in uu yahay  Sh.Xabdabka u  tumay In uu buuxiyo kaalintii Sh. Cabdul qaadir Nuur Faarax  ee Ahayd in uu Jaamacada bariga afrika faraceeda gobolka Nugaal uu ka dhigo Maadada Caqiidada.

Wasiir Gaashaan ayaa waxaa uu eebe uga baryay in Sh Qorane iyo culimada kaleba noo daayo waxaana uu yiri sheekh waxaa maantay kusoo dhaweynaya kumanaan dadweyne ah oo ka mida ardaydaadii aniga ayaana ugu  horeeya  waxaan ka mid ahay ardaydii kaa qaadatay cilmiga sidaas waxaa yiri Wasiikii Hore ee maamul wanaaga Dowladda Puntland Mudane Maxamed Farax Ciise Gaashaan .

Ugu danbayntii waxaa lagu soo dhaweeyay Sh.Cabdi Qani Qorane waxaa uu sheekhu ugu horaynba umahad celiyay Eebe weyne  ka dibna waxaa uu u mahad celiyay dhamaan dadweynihii soo dhaweeyay waxaana uu eebe uga baryay in illah miisaanka xasanaadka u saaro waxaana uu  u jeediyay kalimado dardaaran iyo bogaadinba is kugu jirta  waxaana sheekhu  yiri  eebe waa idinka aqbalay  ducadiinii waana caafimaaday waana idiin soo noqday waana wada joogaynaa waxaana sheekhu ugu baaqay dadwenihii halkaas is kugu soo baxay in ay kawada shaqeeyaan mid nimadda iyo horumarka dintooda iyo dalkooda waxaana sheekhu sigaara ugu mahad celiyay  madaxweynaha dowladda Puntland Prof Cabdi wali Maxmed Cali Gaas Waxaana Uu sidoo kale u mahad celiyay dhamaan culimadii iyo dadweynihii ducada la dabataagnaa waxaana uu yiri eebe miisaanka xasanaadka ha idiin saaro . Ka dibna waxaa sheekha loo soo galbiyay guriga uu ka dagan yahay magaalda Garowe.

no images were found

Nuur  Jaamac Aadam Al-Minhaaj Garowe
Nuurjaamac21@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online