Shirweynihii 8aad Ee Dalladda (FPENS ) oo lagu soo Afmeeray Muqdisho (Masawiro)

August 18, 2014 - Written by Editor

DSC02333Muqdisho:-Shirwaynihii sideedaad ee dalladda waxbarashada ahliga ah FPES ayaa maalinimadii jimcaha ku soo gabagaboobay magaalada muqdisho caasimadda dalka Somalia.

Shirkan oo socday laba maalmood ayaa waxa ka soo qayb galay kodhowaad (90) jimciyadood waxbarasho oo ku bahoobay dalladdaas, kana mid ah (130) jimjciyadood oo ay ka koobantahay dalladdu, taas oo ka jira dhamaan gobolada Somalia.

Shirkan oo lagu lafa guray qodobo badan oo khuseeya dalladda ayaa waxa ka soo baxay qodobo ay ka mid ahaayeen:

  1. In la dardar geliyo howlaha dalladdu u hayso bulshada.
  2. Xeerhoosaadka oo wax laga bedelay gaar ahaan sida ay noqonayaan xubnaha dalladdu iyadoo laysku raacay inay noqdaan kuwo hal mid ah, halka markii hore uu maamulkoodu u qaybsanaa sadexda qaybood ee koonfur, Somaliland iyo puntland.
  3. In uu ka koobnaado xubnaha maamulka dalladdu (25) xubnood kuwaas oo ka kala imanaya: 1)koonturta iyo bartamaha somalia (12)xubnood, 2) Somaliland (7) xubnood, 3) puntland (6) xubnood.
  4. Doorashada maamul cusub iyadoo loo doortay:
  5. C/qaadir Xasan Axmed (Kadle)(Guddoomiye).
  6. C/raxmaan Khayre (G/kuxigeenka kowaad).
  7. Maxamed faahiye ciise (G/kuxigeenka labaad).

 

Dalladda FPENS ayaa waxa la asaasay 1999 iyadoo ay keentay baahi loo qabay midaynta iskaashiga waxbarashada ahliga ee soomaaliya waxana lagu bilaabay (16) xubnood halka ay hadda ka kooban tahay ilaa (130) xubnood, sidoo kale waxay dalladdu gacanta ku haysaa arday gaaraya (124408) (735)dugsi, halka ay ka qalin jebiyeen arday gaaraya (178689).

no images were found

 

FPENS
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online