Wararkii Ugu Dambeeyay ee Qabsashada Buulo-mareer (Dhageyso)

August 30, 2014 - Written by Editor

amisomBuulemareer:-Ciidamada Midowga Africa oo ay weheliyaan kuwa dowladda Somalia ayaa maanta qabsaday degmada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii saaka waabarigii ay qaadeen howlgal ciidan.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Col: Cali Xaamud ayaa sheegay in askari ka tirsan Amisom oo u dhashay dalka Uganda uu ku dhintay howlgal laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Xaamud wuxuu sheegay in ciidanku ay xalay saqdii dhexe qaadeen howlgal la magac baxay “Badweynta Hindiya” oo ka dhanka ah goobaha ururka al-Shabaab uu ka haysto gobolka Shabeellaha Hoose.

Hoos ka Dhageyso Afhayeenka Ciidamada Amisom Col: Cali Xaamud

Dhinaca kale, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii, guddoomiyaha gobollka Shabeellaha Hoose ayaa VOAda u sheegay in ciidanku ay sidoo kale qabsadeen Goolweyn iyo tuullooyin kale, wuxuuna sheegay in maleeshiyada al-Shabab ay haatan ka cararayaan goobihii ay ku sugnaayeen.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladduba ay iminka 5 KM dhaafeen Buulomareer, ayna ku sii socdaan dhinaca iyo magaalada Baraawe, oo ah saldhiga ugu weyn ee ururka al-Shabaab uu ku leeyahay koonfurta Soomaaliya.

Wareysiyo aan la kala yeelanay Siidii iyo goobjoog Buulomareer ku suggan halka hoose ka dhageyso:

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online