Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Qardho ku daah furay Barnaamij lagu tababarayo 20 Umulosooyin [Masawiro]

August 28, 2014 - Written by Editor

DSC00648Qardho:-Xafladdani oo lagu daahfurayey Barnaamij lagu baranayo qaabka Umulasinimada kasoo loogu talagalay ina y bartaan 20 Gabdhood oo laga soo xulay Degmooyinka iyo Tuulooyinka Puntland,waxaana Xafladdaani ka soo qeybgalay Wasiirudowlaha Wasaradda Caafimaadka,Agaasimaha Guud ee Wasaraadda Caafimaadka,Agaasimaha Waxda qorsheynta Dajinta iyo Hormarinta Siyaasadaha ee wasaaradda Caafimaadka,Agaasimaha Isbitaalka Qardho,ku xigeynka Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka,Duqa Degmada Qardho,Saraakiil ka socday Hey’adda Save The Children Ardayda qaadaneyso koorsdaan,Maamulka iyo Macalimiinta Kuleejka Barashada Caafimaadka Qardho iyo Marti sharaf kale oo lagu Casuumay Xafladdani.

Maxamed Cabdulaahi (Hilaal) Agaasimaha Kuleejka Barashada Culuumta Caafimaadka Ee Qardho oo ka hadlay Munaasabaddaani ayaa sheegay in tababarka Umulasinimada uu yahay markii ugu horreysay ee laga bilaabo Magaalda Qardho..” Waa markii ugu horeysay ee Gobolka karkar ka hirgaleyso Barnaamijka Tababarka Umulasinimda oo loogu talagalay in lagu tababaro xirfad ahaan labo sano gabdho gaaraya 20 gabdhood oo laga soo xulay Degmooyinka iyo Tuulooyinka Puntland,waxaan aad ugu faraxsanahay Kuleejka Caafimaadka ee Qardho in ardaydii uu soo saaray haataan in ay ka shaqeeyaan Isbitaalada,Hey’addaha,qaarkoodna waxbarasho dibadda ay aadeen in maanta Nasiib kuleejka u yeesho in Arday laga soo xulay Puntland labo sano Waxbarasho tababar dhanka Umulasinimada in ay ku qaataan..”Ayuu yiri Maxamed Hilaal.

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogaamo ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in Barnaamijkaan laga bilaabo magaalada Qardho….”Waxaa la doonaya in ardaydaani ay noqdan arday tayo leh,Ummadda waxa lagaliyo ayaa ka soo baxa,waxaa larabaa marka ay koorsooyinkaan qaataan in ay wax u qabtaan Goobihii ay ka yimaadeen,waxaan ka digayaa in qof lamaalgaliyo oo waxlabaray tababar fiican helay oo loogu talagalay in Bulshada wax u qabto in Hey’adda ay si fudud ku qaataan taasi wax wanaagsan ma’ahan…”…ayuu sheegay Duqa Degmada Qardho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland  Dr C/risaaq Xirsi Ciise ayaa ka hadlay Ujeedada loo tababaraya Umulosooyinka…” Ujeeddada loo tababarayo Umulosooyinka,Dalka Somalia waxaa ku badan dhimashada Hooyooyinka xilliga Dhalmada,Sanad ka hor waxaan sameynay Qiimeyn ama xogta shaqalaha Umalsooyinka,Xirfadlayaasha Umulasanimo waxaad soo baxday in ay aad u yaryihiin aqoontooda sida daraadeed waxa ay wasaaradda qaadatay go’aan in la soo saaro Umulosooyin xirfadlayaal oo tababaran Sanad walbana wasaaradda waxa ay qorsheysay in ay soo saaraan 100 Umoliso oo xirfadyahay ah lehna aqoon wanaagsan oo dadka ugu adeegi karto….”ayuu Yiri Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland C/llaahi Jaamac Cali…”’Waxa sharaf inoo ah in aan idinkala soo qeybgalo Munasabad lagu daahfurayo Barnamijka Tababarka Umolosooyinka oo baahi weyn loo qabay in la helo Umolosooyin tababaran,waxaana Magaalada Qardho loo gartay in ay Gabdhahaani laga soo xulay Degmooyinka iyo Tuulooyinka tababarkaani ku qaadaan Qardho, ….Sidaad ogtihiin Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne C/weli Gaas waxa ay Muhiimadda kowaad siisay in adeegyada Aas aasiga ay gaaraan Dhammaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka si gaar ah dhulka fog fog si gaarna ay u helaan Caafimaadka,Waxbarashada,Biyaha iyo Ammniga….”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Barnaamijkaan Tababarka Umulosooyinka ayaa wasaaradda Caafimaadka Puntland waxa ay bilowday labo sanno ka hor Ujeeddada ugu weyn waxa ay tahay Yareynta Hooyooyinka ku dhinta xilliga dhalmada kadib markii ay waayaan Umuliso Xirfadyahan ah,waxaana Maalgaliyey Barnaamijkaan Hey’adda UNFPA waxaana fulinaya Kuleejka Barashada Culuumta Caafimaadka ee Qardho iyadoo ay gacansiineyso Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

no images were found

C/raxman Maxamed Cali (Black)
Qardho-Puntland-Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online