Xaalada deegaanka Saaxdheer iyo dabataag oo kacsan

August 28, 2014 - Written by Editor

ciidanLaascaanood:-Wararka naga soo gaaraya deegaanka saaxdheer iyo dabataag ayaa sheegaya in saaka xaalada Colaad iyo kacsanaan ay ka jirto deegaanka Saaxdheer ka dib markii ay soo dul dageen ciidamo ka socda S/land.
Deegaanka Saaxdheer ayaa waxaa haatan ku sugan masuuliin ka tirsan Maamulka Khaatumo iyo marti sharaf kale waxaana halkaas lagu wadaa in ay ka dhacdo Xaflada Caleema saarka ee Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galeyr.

Ciidanka S/land ayaa shalay waxay gacanta ku dhigeen dad dhacab ah oo ku socday Degmada Saaxdheer kuwaas oo ka tagay magaalada Kalabaydh waxaana raas ay fureen ciidnka S/land ku dhaawacmay dad shacab ah.

Deegaanka Dabataag oo dhowr iyo toban kiiloomitir u jirta magaalada saaxdheer ayaa shalay waxaa ka dhacay iska horimaad u dhexeeya ciidanka Khaatumo iyo S/land waxaana dagaalka ku dhintay laba askari oo ka tirsan S/land oo mid uu yahay Sarkaal .

Xaalada deegaanka Saaxdheer ayaa ah mid kacsan waxaana saaka laga cabsi qabaa in dagaal uu dhexmaro ciidanka Maamulka Khaatumo iyo S/land  kuwaas oo saaka duulaan ku ah deegaanka Saaxdheer

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Degaanka Saaxdheer ayaa sheegaya in duleedka magaalada uu haatan ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidanka maamulka Khaatumo iyo kuwa S/land.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

Halgan.net
Laascaanood

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online