Xaflad xil wareejinta 4aad ee Jaamacada Bariga Afrika oo ka dhacday magaalada Boosaaso[Masawiro]

August 28, 2014 - Written by Editor

20140828_110517Boosaaso:-Waxaa maanta jaamacadda Bariga Afrika oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn Puntland iyo Soomaaliya ka dhacday xaflad xil wareejin ah, taasi oo ay xilka kula  kala wareegayeen gudoomiyahii hore ee jaamacadda bariga afrika Dr C/risaaq Hiirad Maxamad iyo gudoomiyaha cusub ee jaamacada Dr Aadan Sheekh Doon Cali iyo ku xigeenkiisa Mr  Maxamed Maxamuud Ciise . Munaasabadda xil wareejinta ah ayaa ka dhacday hoolka weyn ee jaamacadda ee Dr C/qaadir Maxamed C/dala, Iyadoo ay ka soo qeyb galeen  Golayaasha kala duwan ee jaamacadda, arday, aqoonyahano, xubno ka tirsan golaha wasiiradda Puntland, masuuliyiin ka socotay jaamacadaha magaalada, nabadoono, waxgarad, dhalinyaro , haween iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxa  munaasabadda ka hadlay Sheekh Yuusuf C/casiis Maxamad oo ah gudoomiyaha aasaasayaasha  Jaamacadda Bariga Afrika, waxa uuna sheegay in Jaamacadda ay soo martay marxalado kale duwan, iyadoo maanta ay marayso heer fiican. Sidoo kale waxa madasha ka hadlay Sh Daahir Aw Cabdi oo ka mid culimada ugu waa wayn soomaaliya, waxa uuna u duceeyay  dhamaan culimadii iyo aqoon yahanadii lahaa fikirka aasaaska jaamacada iyo taaba galkeedii , sidda Sh.Dr C/qaadir Maxamed C/dala , Sh.Dr Axmed Xaaji C/raxmaan iyo Sh C/qaadir Nuur Faarax oo dhamaantood dhintay.

Gudoomiyihii hore ee jamaacadda Dr  C/risaaaaq Hiirad ayaa sidoo kale xafladda ka hadlay waxa uuna sheegay in jamaacadda ay tahay jaamacadda ugu badan ee leh hantida ma guurtada ah, isla markaana inta maamulka  haynaya  diiradda la saaray tayeynta manhajka. Aadan Sheekh Doon Cali gudoomiyaha jaamacadda Bariga Afrika ayaa isna ka hadlay madasha waxa uuna sheegay in hawsha maanta loo dhiibay ay tahay howl aad u adag, isla markaan ay filayaan in ay ka soo baxaan haddii Alle idmo.

C/rashiid Maxamed Xirsi  wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka oo  isaguna ka hadlay madasha ayaa aad ugu dheeraaday dowrka balaaran ee ay jaamacadda bariga Africa ka qaadatay  horumarinta bulshada soomaaliyeed, gaar ahaana reer Puntland. Si kastaba ha ahaatee jaamacadda Jaamacadda bariga Africa oo la asaasay sanaddii 1999kii, ayaa waxa uu noqonayaa maamulkan cusub ee maantay xilka la wareegay maamulkii 4aad ee soo maraca jaamacada.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaaso,Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online