Xeer Illaaliyaha Guud ee DFS oo warmurtiyeed ka soo saaray Xarigii Idaacaddaha Shabelle iyo SKY

August 21, 2014 - Written by Editor

xeer-ilaaliyaha1Muqdisho:-Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa soo saaray caddeyn ku aadan falkii 15-ka Agoosto lagu soo xiray Idaacadaha Shabeele iyo SKY FM iyo qaar ka mid ah shaqaalaha labadaas idaacadood, isagoo sheegay in si sharciga waafaqsan uu Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka uu hay’adaha amniga u amray inay si deg-deg ah u joojiyaan fal lagu kicinayey shacabka oo ay idaacaduhu ka dalbanayeen shacabka inay hub qaataan oo ay si qabiil ah uga soo horjeestaan ciidanka dowladda, tanoo dhalisay in bannaan-baxyo dhacay la isku dilay.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo la soo marsiiyay Wasaarada Warfdaafinta ayaa ujeedka aheyd mid lagu faah faahinayay sababaha lagu xiray labadaas idaacadood.

Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa yiri “Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka markuu dhageystay kicinta bulshada oo hab qabiil ah oo ay idaacadaha Shabelle iyo SKY FM ay u soo tabinayeen bulshada, waxaa khasab noqotay in laga hortago fal danbigaas si loo joojiyo kicinta bulshada ee habka qabiiliga ah. Sidaas daraadeed, waxaan amray ciidanka amniga inay si deg-deg ah u joojiyaan fal danbiyeedkaas. 48 saac gudahood ayaa 18 qof la sii daayey ka dib markii Xeer Illaalintu oggaatay inaysan danbigaas ku lug laheyn. Sida uu qabo sharcigana waxaan 17kii August Maxkamadda Gobolka Banadir ka codsanay in muddo 21 cisho ah loo baahanyahay, taasoo Maxkamaddu bixisay si loo dhameystiro baaritaanka danbiyada lagu soo oogay 3 ka mid ah eedeysanayaashii oo ay si sharci ah hadda u socoto baaritaankii danbiyadooda, oo marka la soo afjaro baaristana la hor geyn doono Maxkamada Gobolka Banadir.”

Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Dahir oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan u xilsaaray arrinkan ku-xigeenka Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka oo khibrad dheer u leh danbiyada noocan oo kale ah, si muwaadiniinta la soo eedeeyey ay u helaan caddaalad. Waxaana na soo gaartey eedeymo sheegayey in 3 daas shaqsi loo geystey jir dil, oo aan isla markiiba baaritaan ku dhaqaaqnay. Ka dib markii 3daas shaqsi la horkeenay Maxkamaddana, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banadir ayaa caddeeyey in wararkaas ay ahaayeen been abuur oo aysan jirin wax jir dil ah oo loo geystey shaqsiyaadkaas. “

Sidoo kale xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Ahmed Cali Dahir ayaa sheegay in Xafiiskiisa uu mar walba u taagan yahay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhammaan hay’adaha kala duwan ay u heli lahaayeen caddaalad lagu kalsoonaan karo.

“Waxaan marnaba la aqbali karin in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo geysto jir dil iyo dhibaatooyin kale, oo waxaan farayaa hay’adaha amniga inay si taxadar leh ay howlahooda loo igmay u gutaan iyagoo illaalinaya xaquuqda bani’aadanka oo lama taabtaan ah. Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka waxuu u taaganyahay sharciga iyo dhowristiisa iyo xaquuqda muwaadiniinta oo ah wax qaanuuniyan ah iyo mid dastuuri ahba.” Ayuu ku soo gaba gabeeyey Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka.

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online