Abu Qataada Al-Falstiini oo xabsiga laga sii daayey (Daawo)

September 24, 2014 - Written by Editor

abuqataadaUrdun:-Maxkamad ku taal dalka Urdun ayaa waxay maanta xabsiga ka sii daysay Cumar Maxamuud Cismaan oo loo yaqaan Abu Qataada Al-Falastiini oo ka mid ah wadaada aad ula dhacsanaa Fikirka Takfiirka waxaana uu caan ku ahaa Fatwooyinkii uu siin jiray kooxda Jamaaca Islaamiya oo leysay shacab iyo culumada badan.

Maxakamada ku taal dalka Urdun ayaa waxaa ay horey ugu eedeysay Abu Qataada Al-Falastiini in uu qeyb ka ahaa weerar lagu qaaday iskuul ku yaal dalka Urdun oo laga leeyahay dalka Mareykanka  sanadkii 2000 waxaana isaga oo dalka ka maqan lagu xukumay xabsi daa,in.

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa waxaa laga soo masaafuriyay Britain 2013-kii ka dib markii ay codsatay dowlada Urdun.Garsoorayaasha Maxkamada la saaray Abu Qataada ayaa sheegay in ay wax danbi ah ku waayeen sidaa darteedna la siidaayey.

Abu Qataada Al-Falastiinii ayaa intii uu ku jiray xabsi ku yaal dalka Urdun waxaa uu weerar ku qaaday kooxda Khawaarijta ee Daacish isaga oo ku sifeeyey in ay yihiin Eeyaha Naarta waxaana uu qoray qormooyin kala duwan oo horey loogu faafiyey Halgan.net Halkan ka Eeg

Abu Qataada ayaa waxaa uu markii uu ka soo baxay Maxkamada u mahad celiyey dhamaan cid walba oo ka qeyb qaadatay soo deyntiisa gaar ahaan looyaradii isigu jiray Urduniyiin iyo Britain kuwaas oo qeyb ka qaatay soo deyntiisa.

Hoos ka Daawo Abu Qataada Al-Falastiini oo xabsiga ku yaal dalka Urdun laga sii daayey

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online