Abu Yaasir Al-Muqdishi ”Axmed Godane wuxuu u shaqeeyaa Gaalo Muslina ma ah waana in la dilaa.” [Dhagayso]

September 1, 2014 - Written by Editor

voaMuqdisho:-Waxaa mar kale lagu faafiyey barta Intenetka muxaadaro taxane ah oo uu jeediyey Sh.Abu Yaasir Al-Muqdishi qeybtii 3aad uuna ugu magacdaray Inxiraafka ururka Al-shabaab waxaana lagu faafiyey Mareegta Rasminews oo in badan soo bandhigtay qoraalada iyo codad rag ka soo horjeeda ururka Al-shabaab horeyna uga tirsanaa.

Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa muxaadaradiisa 3aad waxaa uu ku soo bandhiga xog fara badan iyo is qabadkii hogaanka Al-shabaab iyo doodihii fara badan oo dhex martay madaxii Maxkamadii shareecad Islaamka ee ururka Al-shabaab Zubayr Muhaajiri iyo madaxii Golaha Shuuradda ee ururka Al-shabaab Macalin Burhaan oo dhinac ah iyo gudoomiyah Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa waxyaabaha uu ka hadlay muxaadaradiisaan ayaan waxaa ka xusi karnaa:-

1. Bilowgii Khilaaf hogaanka ururka Al-shabaab iyo qaabkii Muqdisho Al-shabaab ay uga baxeen Muqdisho

2.Doodii dhexmartay Madaxii Maxkamada Islaamiga Zubeyr Muhaajiri , Macalin Burhaan iyo garabkii Axmed Cabdi Godane.

3.Culimada ururka Al-shabaab gaar ahaan Sh Jaamac Cabdisalaan iyo isku daygoodii xalinta khilaafka iyo hajabaad uga timid Hogaanka Al-shabaab.

4. Xariga loo geystay Madaxii Maxkamada Islaamiga ururka Al-shabaab Zubeyr Muhaajiri iyo qaabka loo xiray

5. La wareegidii Hubkii  Xisbul Islaam ee la qaaday gurigii Sheekh Cabdifitaax Maxamed Cali iyo go’aankii ururka Al-shabaab ay ka soo saareen.

6. Dowrka Sh Xassaan Xuseen uu ku lahaa xalinta Khilaafka hogaanka Al-shabaab iyo wax Al-shabaab ay ka codsadeen iyo jawaabihii uu diray.

7.Dilal ay Al-shabaab kula kaceen beelaha Soomaaliyeed iyo codsiyo ay  jeedsadeen oo ah in lagu kala baxo Shareecadda Islaamka.

8. Qaylo dhaantii ay garabkii Ibraahim Afgaani , Macalin Burhaan , Zubayr Muhaajiri, Abu Mansuur Amriiki , Abu Yaasir ay u direen Hogaanka Al-qaacida.

Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa waxaa muuqata in muxaadaraan uu duubay ka dib markii isaga, Sheekh Xassan Daahir Aweys iyo Sheekh.Cabdifitaax Maxamed Cali  ay ka soo baxsadeen degmada Baraawe ka dib dilkii Ibrahim Afgani iyo Macalin Burhaan.

Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa mar kale ku celiyey in hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane uu diiday in lagu kala baxo Shareecadda Islaamka sidaas darteedna uu yahay Murtad ama Gaal sidaas dartreena aysan banaanay in la adeeco amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane uuna yahayn uu yahay Dhaaquut.

Xukunka Abu Yaasir Al-Muqdishi uu saaray  Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa ah mid laga yaabo in dad badan ay la yaaban oo fajiciso ku noqoto balse dadka la socda kooxaha ku dhacay Quliwiga ama xadgudubka ama garab maray Manhajkii toosnaa ee Salafka ayaa marka danbe is xukuma ka dibna is dila waan arin ka dhacday dalka Jazaa’ir hadda ka socota Somaliya ,Ciraaq iyo Zuuriya.

Culimada Soomaaliyeed ayaa in badan ka digay in Quliwiga iyo xadgudubka diineed uu keeni karo cawaaqib xumo ah in la waayo dal iyo diina waan mid maanta Soomaaliya ay lugaha kula jirto waxaase aamin sanahay in Alle diintiisa uu ilaalin doono.

Xogta uu bixiyey Abu Yaasir Al-Muqdishi iyo xukunka uu saaray Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ilaa uu gaarsiiyey in uu gaalo u adeego muslina uusan ahayn ayaa waxaa uu u soo xasuusiyey muxaadro uu jeediyey Sh.Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Allaha u naxariistee oo ay dileen amniyaadka Al-shabaab oo ahaa in haddii la sii noolaado wax badan oo culimadu ay sheegayaan in ay soo bixi doonaan.

Ma jiraan ilaa hadda culimo Soomaaliyeed oo ku xukuntay hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane  iyo ururka Al-shabaab gaalnimo ama rido hadalka Abu Yaasir ayaan sidoo kale aysan jirin wax ka jawaabay oo ay ka bixiyeen Hogaanka Al-shabaab iyo culimadooda.

Hoos ka Dhagayso Abu Yaasir oo ku celiyey in uu gaalaysiiyo Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/vsoojefd50/AbuyaasirIngodne.mp3]

Halkan ka Dhagayso Mp3

Hoos ka Dhagayso Abu Yaasir yiri Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane gaalo baa soo dirsatay

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/i5nq0j34bs/InaGodane3.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Ma aha markii ugu horeysay oo uu Abu Yaasir Al-Muqdishi ka hadlo Al-Shabaab waxaana ka mid ah arimaha uu horey uga hadlay

1- Abu Yaasir Al-Muqdisho VS Madaxda Al-shabaab.[Dhagayso].

2-Abu Yasir Al-Muqdishi oo ka hadlay dilkii Cabdirizaq Burundi.[Dhagayso]

3-Abu-Yasir Al-Muqdishi oo sheegay magacyadda raggii dilay Ibraahim Afgaan iyo Macalin Burhaan.[Dhagayso]

4-Abu-Yasir Al-Muqdishi Al-shabaab baa dilay Sh.Dr Axmed Xaaji iyo Sh C/qaadir Nuur Faarax [Dhagayso]

5-Abu-yasir-al-maqdassi-oo-ka-waramay-qaabkii-loo-dilay-ibraahim-afgani-iyo-macalin-burhaan-(dhagayso)

Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa sidoo kale waxaa uu leeyahay qormooyin uu kaga hadlay Al-Shabaab waxaana ka mid ah

1-رثاء الأمريكي أبو ياسر المقدشي
2 ليلة استشهاد العلماء أبو ياسر المقدشي
نداء أخير لصيحة نذير أبو ياسر المقدشي3-

Hoos ka Dhageyso Muxaadaradii 3aad ee Abu Yaasir Al-Muqdishi uga hadlayey Inxiraafka Al-Shabaab oo dhamaystiran uuna si cad u gaaleysiinayo Axmed Godane

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/aerzci7lxz/Abuyasir3.mp3]

Abu Yaasir Al_Muqdishi ayaa ka mid ahaa culumada Al-Shabaab waxaana lagu xasuustaa muxaadaro uu ku difaacayey axaadiistii lagu qabsaday wadaadka Xasan Maxamuud Takar.

Muxaadaraadkii hore 1aad iyo 2aad  ee Abu Yaasir Al-Muqdishi  Inxiraafka Al-Shabaab

C/Casiis Maxamed
Codka, Rasminews
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online