AlShabaab oo iska baxay deegaano ka tirsan gobalka Galgaduud

September 3, 2014 - Written by Editor

shabaabCeelbuur:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud gaar ahaa deegaannada Ceel-la-helay, Ceel Qooxle iyo Maalin Nugul oo hoos-taga degmada Ceelbuur ka dib markii ay isaga baxeen Alshabaab.

Deegaannada Ceel-la-helay, Ceel Qooxle iyo Maalin Nugul oo hoos-taga degmada Ceelbuur ayaa waxaa horey gacanta ugu hayey Ururka Al-Shabaab waxaana ay ka baxeen markii ay soo duldageen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

Taliyaha ciidanka ee degmada Ceelbuur G/sare Maxamed Kaahiye Carraale ayaa u sheegay warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho  inay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay haatan gacanta ku hayaan Deegaannada Ceel-la-helay, Ceel Qooxle iyo Maalin Nugul ayna baaritaano ka wadaan.

Ilaa haatan ma jiraa cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay deegaanada ay qabsadeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online