Ardayda Jaamacadda Bariga Africa faraceeda Qardho oo Xaflad weyn u qabtay Bulshada ku nool Qardho [Masawirro]

September 3, 2014 - Written by Editor

SONY DSCQardho:-Xafladaani oo ay soo agaasimeen ardayda wax kabarata Jaamacadda Bariga Africa faraceeda Qardho iyo kuwa sanadkaan ka qalin jabinaya ayaa waxaa loogu talalagalay in ardayda ay ku soo bandhigaan waxyaabaha ay ka barteen dhiirigalinna u sameeyaan ardayda sanadkaan ka qalinjabisay Dugsiyada Sare ee Qardho si ay Jaamacadda ugu soo biiraan kulyadaha ay ka helikaraan.

Xafladdaani ayaa waxaa lagu soo bandhigay qiimaha ay leeyihiin kulyadaha laga barto Jaamacadda iyo heerka ay gaareen ardayda waxkabarata jaamacadda oo soo jeediyey mowduucyo si weyn u soo jiitay dhammaan dadkii ka soo qeybgalay xafladdaani oo ku tilmaamay in Jaamacadda intii ay furneed in ay gaartay Hormar lagu faanikaro ardaydana ay ka heleen tacliin aad u heersareyso.

Kulankaani oo ahaa mid si gaar ah Bulshada ku nool magaaladad Qardho loogu soo bandhigay hiigsiga Jaamacadda iyo kaalinta loogu baahanyahay in ay ka qaataan hormarinta Jaamacadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xildhibaanka tirsan Baarlamaanka Puntland,Gudoonka waxbarashada Degmada Qardho,Maaulka iyo Madaxda Boorka Jaamacadda,Qurba joogta,ardayda sanadkaan ka qalinjabineysa,Macalimiinta Jaamacadda iyo Maamulayaasha Dugsiyada Sare ee
Qardho.

C/raxman Maxamed Cali (Black) oo ka mid ah ardayda sanaadkaan dhameeyey Jaamacadda Bariga Africa faraceyda Qardho bartayna kulyadda Maamulka iyo maareynta ayaa ka hadlay Ujeedka ay u qabteen Xafladaani…”Kulamo ay yeesheen ardayda dhigatada Jaamacadda iyo kuwa dhameeyey waxa ay isla garteen in Xaflad loo qabtay Bulshada ku nool magaalada Qardho loona soo bandhigo waxyaabaha jaamacadda laga barto,Dhiirigalin loo sameeyo ardayda sanadkaani ka baxday Dugsiyada Sare ee Qardho si loogu qanciyo ku soo biiridda Jaamacadda oo aan la’aantooda soconkarin,Maadaama Jaamacadda ay tahay Udub dhexaadka hormarka Magaalada Qardho,waxaan ku boorinayaa in Jaamacadda cidwalbo ay ka shaqeyso hormarkeeda iyadoo ay ka soo baxday
caqabado badan,waxaana halkaan ugu mahadcelinayaa dhammaan dadkii qeyb ka ahaa aas aaska Jaamacadda…” ayuu yiri C/raxman Black.

Maamulaha Jaamacadda Bariga Africa faraceeda Qardho Cali Maxamed Cali ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay Hanaanka ay ardayda ugu soo agaasimeen xafladaan qiimaha badan iyo wax yaabaha ay soo bandhigee oo soo jiitay dhammaan aqoonyahanada ka soo qeybgalay waxa uu sheegay…”Caawa waxaad aragtaan waa mirihii Jaamacadda oo soo bandhigay aqoonta ay ka heleen Jaamacadda,farxad ayee u tahay maamulka in ay arkaan dadkii ay ku soo dadaaleen oo maanta heerkaan soo gaaray,waxaan Jeclahay in Jaamacadda aan ku soo kordhino kulyado kale,idaacadda u gaar ah in aan u keeno oo ka qeybqaatada wacyigalinta Bulshada si gaar ah xoogga u saarto waxbarashda,waxaa la joogaa xilligii hormarka cidkasta waa in ay u diyaargarowdaa taageeridda Jaamacadda…”ayuu yiri Maamulaha Jaamacadda Bariga Africa faraceeda Qardho.

Siciid Maxamed Faahiyey Gudoomiyaha Gudoonka waxbarashda Degmada Qardho ayaa sheegay …”Markii la furayey Jaamacaddaan waxa ay aheyd xilli ay cabsi heysay Ardayda,dadkii Howshaan waday,waxa ay ka cabsanayeen Jaamacaddaan ma soconeysaa mase way burbureysaa,dadaal iyo dhabar adeeg kadib waxa ay keentay in Cabsidii laga cabsanayey in ay Cabsato,waxaan Jeclahay in Jaaliyaddaha ka soo jeeda magaalada Qardho in ay taageeraan jaamacadda,Dadka lagama abaaldhaco jaaliyadda wey taageeraan magaalada laakiin kaalintii larabay ma gaarin waxaana rajenayaa in ay ilgaar ah ku soo eegi doonaan Jaamacadda…”ayuu yiri Siciid Maxamed Faahiye.

Xildhibaan C/rashiid Siciid Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa soo dhaweeyey Hormarka ay gaareen iyo Tacliinta ay leeyihiin ardayda Jaamacadda Bariga Africa faraceyda Qardho waxa uu sheegay..”Markii la arkay hormarka iyo waxbarashada ka socoto Jaamacadda waxaa dadal loo galay sidii dhismo loo siin lahaa Jaamacadda waxaana suura gashay in lagu wareejiyo dhismo ka koooban labo dabaq oo lagu taageerayo waxbarashada Sare ee Magaalada Qardho…”Ayuu yiri Xildhibaanka.

no images were found

Xafladaani ayaa ku soo aaday xilli dhawaan la filayo in dib loo furo Jaamacadda Bariga Africa faraceeda Qardho,sanadkaan Jaamacadda waxa ay u waregeysaa dhismaha Cusub ee la siiyey,waxaana lagu soo kordhiyey kulyado cusub taasoo qeyb ka ah qorshaha Hormarinta Jaamacadda,waxaana loo
mahadceliyey Macalimiinta iyo ardayda soo agaasintay Xafladdaani.

C/raxman Maxamed Cali (Black)
Qardho-Karkaar-Puntland-Somalia.

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online