Baaq iyo qeylo dhaan Abaaraha ka jira gobalka Gedo [Warbixin/ Video]

September 22, 2014 - Written by Editor

33Gedo:-Musasat Al-Raxma ayaa waxaa ay na soo gaarsiisay baaqo iyo qeylo dhaan ku socta Umada Soomaaliyeed iyada oo ka codsaneysa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meelwalba ay joogaan in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha ee gobalka Gedo.

Gobalka Gedo ayaa waxaa ka jira abaar aad u daran waxaana halkaas ku dhintay dad iyo xoolo badan waxaana waajib ku ah qof kasta oo Muslin ah in uu garab istaago walaalahiis ku dhibaateynsan  gobalka Gedo.

Musasat Al-Raxma ayaa baaqa ay na soo gaarsiisay waxaa u u qornaa sidan.

Ku: dhamaan shacabka Somaaliyeed

ku: dawladda Federalka ah Soomaaliya

Ku: Culamada Soomaaliyeed

Ku: Hay’adaha khayriga ah

Ku: Ganacsatada Soomaaliyeed

Asalaamu calaykum Waraxmatullaah.

Abaarta Gobolka Gedo.

Gobolka Gedo waxaa nooga imaanaysa akhbaar xanuun leh, waxaa ku habsatay Abaar Ba’an laba xilli oo isku xiga ayaan roob fiican ka di’in.

Arintaas waxay keentay in dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee miyiga degenaa ay isugu darsanto Biyo la’aan iyo Daaq La’aan.

Xoolihii wixii socon karay waxaa loola qaxay dhinaca Jubooyinka gaar ahaan Geelii iyo lo’dii, Arigii oo aan meel dheer gaari karin iyo dadkii ayaa isu haray, arigu waa dhimanayaa, meelaha qaarkood waxaa laga soo sheegayaa xaalado dhimasho oo dadkii ah kuwaas oo u dhintay harraad.

Gobolku aad ayuu u balaaranyahay, meelaha dhibtu ugu sii badanyahay waa dhinaca kore ee Diir hare la yiraahdo ee wabiyada ka fog sida: G/haarey iyo aageeda, miyiga ceel waaq, Geriley, Caws qurun, Ceel cade,ceel guduud,Yaaqle, Baambe xaliimo, iyo meelo badan oo aan magacyadooda la wada koobi karin.

Hay’adaha reer Galbeedka .

Waxay warbixintooda ku sheegeen in abaarta soomaaliya ay hada ku soo socoto 4 gobol, Gedo,Bay, Bakool, iyo G/guduud.

meesha ugu daran ee ay sida gaarka ah u calaamadiyeene waa Gedo, waxay wadaan ayaa la leehay komeer iyo baaritaanno ilaa hadana wax macno leh lagama helin.

no images were found

Hay’adaha maxaliga ah

Sweden: ma jiraan ilaa iyo hadda gargaar gaaray dadka abaaruhu wax yeeleeyeen, markii laga reebo dadaalo yar yar oy isku dayeen qaar ka mid ah hay’adaha maxaliga ah.

Mu’assada Raxma oo kaashanayso jaaliyada dibadda ayaa waxay bilowday biya dhaamin, taasoo lugu bilaabay lacag $25000 oy soo direen walalaaha Sweden.

Codsi.

Waxaan Si walaalnimo ku jirto uga codsanaynaa, qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, oy ugu horeeyaan culimada, gacansatada, iyo hogaanka dhaqanka, iyo siyaasiyiinta ,  inay garab istaagaan muslimiintaas dhibaatadu ku dhacday, ee ay wax yeeleeyeen abaaraha gobalka Gedo:

wixii tabarucaad ah waxaa lagu hagaajinaya gudiga abaaraha gobolka Gedo, oo uu madax u yahay gudoomiyaha Mu’assada Al- Raxma Dr. C. nuur Faarax Taano:

Magacyada gudiga abaaraha Gedo:

1- Dr. Abdinur Farah Ali     (Taano)                +25261 6718444

2- Abdiweli Mohamed       (Kurey)                 +25261 5554956

3-Dahir Ismail Mohamud  (Fanax)                 +25261 5569661

4-Mohamed Ismail             (Gaboobe)           +25261 5569190

wabiillaahi Atawfiiq.

baaqan waxaa soo diray:

1- Sh Faarax Mire Rooble                                 (Nairobi)

2- Dr C.nuur Faarax Taano                               ( Balad Xaawo)

3- Dr. Cabdulweli Sh. Muxamed Xaaji Yuusuf   (Filand)

4- Sh. Adam Sh. Cabdulle                                 (USA)

5- Dr. Cumar Muxamad warsame                     ( Doha)

6- Sh. Cali Muuse Ciise                                     (UAE)

7- Sh. Caamir Maxmuud Ibraahim                    ( USA)

Hoos ka Daawo Film ka tarjumaya abaaraha ka jira iyo Xaaladda dhabta ah ee ka jirta Gobalka Gedo inshalaah

Musasat Al-Raxma
Gedo

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online