Booqashadii magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.[Masawiro]

September 2, 2014 - Written by Editor

2Boorame:-Magaalada boorama waa magaala madaxda gobolka Awdal, juqraafi ahaan waxay ku taal dhul buuraley ah, dhinacna ka ah dhul beereed aadna u cimilla wanaagsan, waxaa sidoo kale ka muqanayey magaalada hormar baaxad leh, sidoo kale waxey ku caan baxday magaaladu dhinaca wax barashada waxayna leedahay jaamacado tayo leh oo la iskaga yimaado dhamman geeska afrika sida jaamacadda Camuud.

Magaalada waxaan tagnay duhurnimadii malinkii sabtida, halkaasoo ay nagu soo dhaweeyeen culumada iyo ducaadda gobolka, waxaana kasoo ambabaxney subaxnimadii maanta oo isniin ah.

Waxaa si fiican noogu qabsoomay muddadii koobnayd ee aanu joogney magaalda hawlihii aanu u nimid, ugu horreyntiina waxaanu bacdal casarkii la kulanney dumarka dacwada magaalada, sidoo kale Sh. Axmed Cabdisamad ayaa salaaddi maqrib ka dib kalimad ka jeedshay masjidka ibraahim, salaaddii cisha ka bacdina waxaa noo furmay shir aanu la qaadanney ducaadda gobolka oo isaga yimid dhammaan dagmooyinka hoos yimaada gobolka, halkaasoo ay kasoo jeediyeen warbixin ku saabsan xaaladda dacwada magaalada iyo deegaannada ku xeeran.

Waxaa iyana maalinkii Axadda aan ka qaybgalnay xaflad lagu soo afmeerayey arday agoon ah oo xifdiyey qayb ka mid ah qu’aanka iyo mutuunta. Isla galabtiina waxaan shir la qaadannay ardaydii ka baxday mac-hadka Saylac ee barashada culuumta sharciga ah iyo carabiga, waxaana sidoo kale booqashooyin ku kala bixinnay qaybo magaalada ka mid ah sida Jaamacadda Camuuud iyo goobo kale oo isugu jira waxabarasho iyo dacwo.

Saaka subaxnimadiina waxaan kulan la qaadannay ururka dhalinyarada Badbaado, Waxaana sidoo booqasho gaaban ku tagnay dugsiga sare ee Ubaya binu kacab halkasoo aan kula kulannay maamulka iyo macallimiinta iskuulka.

Waxaa igu weheliyey safarkaan:

1. Sh. Axmed Cabdisamad Madaxa jamaacada Al-ictisaam ahna Madaxa Raabidada macaahidda sharciga ah ee Soomaliya.

2. Sh. Xasan Muuse Nuux oo ah madaxa dallada ardada soomaliyeed ee caalamiga ah ee Suudaan.

3. Sh. Maxamed Xuseen Deeq Guddomiya ku xigeenka Mu’assasada Al-karam.

4. Dr-Abdirahman Hassan oo ah madaxa Dallada ardada ka baxday macaahidda sharciga ah ee Soomaliya.

no images were found

Abdirahman Abdulkadir
Borame,Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online