Boqor Burhaan oo casuumaad gaar ah u sameeyey Macalimiinta Masaaridda ee ku nool Qardho [Masawirro]

September 26, 2014 - Written by Editor

SONY DSCQardho:-Casuumaadaan oo si gaar ah loogu sameeyey Macalimiinta Masaaridda ee wax ka dhiga Machadka Al-azhar ee magaalada Qardho ayaa lagu soo dhaweyey furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2014-2015 waxaana ka soo qeybgalay Maamulka Degmada Qardho,Guddiga Machadka Al-azhar dhammaan Macalimiinta Masaaridda iyo aqoonyahanka ku nool magaalada Qardho. Maxamed Siciid Ciise Duqa Degmada Qardho oo ka hadlay Casuumaadda loo sameeyey Macalimiinta masaaridda ayaa sheegay in ay qeyb ka tahay in Macalimiinta loo moojiyo soo dhaweyn maadaama intabadan ardayda magaalada Qardho ay waxbareen…” Shacabka Qardho si gaar ah ayee idin Jecelyiin,waadna ku weyntihiin Sharaf iyo qadarin ayee idin hayaan idinka iyo Dowladda Masar,safarka aad u soo gasheen si aad wax u bartaan ardaydeena ma ahan mid sinaba loo hilmaamikaro,waxaad tihiin dad naftooda u huray Faafinta Diinta islaamka,aniga waxaan dhilahaa waa Mujaahidiin Macalimiinta,waxaana idinkaga mahadcelinayaa dadaalkiina aniga oo ku hadlayo Magaca Dowladda…” Ayuu yiri Duqa Degmada.

Siciid Maxamed Cabdi Qaal oo ka mid ah Odaayasha Degmada ayaa sheegay in Macalimiinta Masaaridda wax ka dhiga Machadka Al-azhar ay u hayaan wanaag badan…” Waxa ay u jogaan sidii ay wax u bari lahaayeen Ubadkeyna,Safarka ay soo galeen iyo Masaafadda ay ka soo gudbeen kaliya waxa ay tahay in ay wax baraan ardaydeena,Dowladda Masar Shacab iyo Dowladba waxaan u heynaa sharaf aad ayaan ugu mahadcelineynaa kaalmada waxbarasho ee sanad walbo na siiyaan…’‘ ayuu Yiri Siciid Maxamed Cabdi Qaal.

Caaqil Maxamed Aadan oo ka hadnay munaasabaddaani ayaa sheegay in Somalia iyo Masar ay lahaayeen Xiriir soo jireen ah,Masar waxa ay ka qeybgaadatay waxbarashada Dadka Somalida dhinac walbo…” Xiriirka Masar iyo Somalia waxa uu aha mid soo jireen ah ka hor xurnamidii Somalia Masar waxa ay garab istaagi jirtay Shacabka Somaliyeed,waxaad ogtihiin Boqordii Xabsadshuud waxa ay booqasho ku timid Somalia gaar ahaan Dhulka Puntland xiriir ganacsi iyo mid walaaltinimo ayaa inaga dhaxeeyey,maanta waxaa Qardho joogo macalimiin wax bara Ardaydeyda in la sharfo waa waajib aad ayana ugu mahadcelineynaa Shacabka Masar iyo Dowladda Masar…”ayuu yiri Caaqilka

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka hadlay Casuumaadda Qadada ah oo u sameeyey Macalimiinta Masaaridda ee waxka dhiga Machadka Al-azhar ayaa sheegay in uu ugu talagalay Casuumaadaani mid si gaar ah loogu soo dhaweeynayo Macalimiinta Masaaridda maadaama uu furmary Sanad Dusgiyeedka 2014-2015..”Sharaf bay noo tahay in aan casuumaad gaar ah u sameyno Macalimiinta Masaariida,waxan halkaan ka bogaadinayaa dadaalka ay wax ku barayaan Ardayda,Dowladda Masar iyo Shacabkeyda waan ugu mahadcelineyna kaalmada waxbarasho oo ay inoo fidiyeen…” Ayuu Yiri Boqor Burhaan.

Shiikh Cabdalla Maxamuud Madaxa Bicthada Macalimiinta Machadka Al-azhar Qardho ayaa ka mahaceliyey sida loogu sameeyey Casuumaadaani waxa uu sheegay in ay ku faraxsnyihiin sida loo karaameeyey..”Shacabka Masar iyo Dowladooda waxa ay mar walbo garab taaganyihiin Walaalahooda Somalida,waxaan jecelnahay in Somalia ay Hesho Dowlad xoog leh oo ka tilmaamay Geeska Africa,Masar waxa ay Macalimiin u dirtaa Sanad walbo 120 Dowladood si ay u garsiiyaan Diinta Islaamka,waxaa arintaan isku xilsaaray Culamada Al-azhar iyo Dowladda Masar aad baan ugu faraxsanahay in Magaalada Qardho si fiicn naloogu soo dhaweyey muddo 31 sanno ahna ay joogaan Macalimiinta waxna ka dhigaan Machadka Al-azhar Qardho…Waxaan rajeenayaa in Dalka Somalia helo Ammaan hadii ammaan la helo waxwalbo wey fududaanayaa….Marke waan ka mahadcelineyna Casuumaadda gaar ah oo inoosameeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse…” ayuu yiri Madaxa Bicthada Macalimiinta Machadka Al-azhar ee Qardho isaga oo ku hadlay Luuqadda Carabiga.

31 Sano ayaa ka soo wareegatay markii dhidibadda loo taagay Machadka Al-azhar ee Qardho wixii intaa ka danbeeyey waxa wax ka bartay arday badan oo haataan mas’uuliyiin ka ah dalka,inkastoo Burburkii Dowladii dhexe dalka kadib xirmay hadana dadaalo badan oo ay sameeyeen Guddigga Gacanka ku hayo machadkaani waxaa u suuragashay in ay dib u furaan waxaana sanadwalbo ardayda ka qalinjabisay machadkaani ay helaan Deeqo waxbarasho oo ay siiso Dowladda Masar waana machadka kaliya oo Macalimiin Masaari ah ay toos gacanta ugu hayaan oo ku yaalo Dalka Somalia.

no images were found

C/raxman Maxamed Cali (Black)
Qardho-Somalia.

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online