Bulshada degmada Kalabaydh ee Gobolka Sool oo isku taagay Dhismo xarun Agoon.[Video/Masawiro]

September 12, 2014 - Written by Editor

DSC_0864Kalabaydh:-Bulshada gobolka Sool gaar ahaan degmada Kalabaydh ayaa u isu taagtay sidii loo dhisi Lahaa Xarun agoomaha  lagu xanaaneeyo ee magalada Kalabaydh, taas oo maalin kasta caruur badani waayaan waalidiin tooda qaar koodana la dilo ama cuduro ay u dhin taan. Dhulkii laga dhisilahaa xaruntan  agoomaha ee magaalada Kalabaydh, ayaa waxa iska kaa shaday muwaadin reer Kalabaydha ah oo lagu magacaabo Cismaan Jaamac oo bixiyay Labaloodh,oo dhulka ladhisayo ah.

Labo kalena waxaa iibiyay Jaaliyada reer Sool ee degan magaalada Stockholm,ee wadanka Sweden gaar ahaan hablaha iyo Oday Maxamuud Orgile. Guud ahaan bulshada ayaa waxa loogu baaqay in ladhiso xaruntaas agoomaha ee magaalada Kalabaydh taas oo wax wayn kabadalaysa baahida haysata Caruurta agoonta ah.

Sh Aadan wali Cabdi Xuseen ayaa sheegay  dhaqaalaha ku baxaya a haddii xarunta agoonta laga dhigo dhisme Dabaq suge ah waxaan ku qiyaasnay 60,000 kun Dolar,Hadii dhisme Qolal dhismaha ladhiso Laga dhigayo waxaa ku baxaya 40,000 kun Dollar.

Bulshada Gobolada Sool ,Sanaag iyo Cayn ayaa in badan caawiya Bulshada deegaanadan Oo ay saarantahay waxa loogu yeedho (disputed regions, Sool and Sanaag,) Xayiraada gar gaar oo ay saareen Haayadaha markii loogu war bixiyay warar been abuur ah Gobolladaas.

Daawo magaalada Kalabydh ee Gobolka Sool oo laga dhagax Dhigay Xarun Agoomaha Lagu daryeelo iyo Bulshada

Dhawaan ayay ahayd markii ladhisay Xarunta Agoomaha Magaalada Buuhoodle Taas oo guul wayn ay ku tilmaameen shacabku, dhismayaasha laga dhisay goobo badan ayaa waxa dhisay Qurbo,joogta oo kaalin wayn ka qaatay Horumarka dadka gudaha ku nool iyo hay’addo kooban oo dhisa iskuulada.

Sidookale waxaa qayb waynka qaata walaaha Muslimiinta ee ku nool daafaha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Caaqil Cabdinaasir Iidle oo ah Maamulaha ayaa sheegay in Xaruntaas  dhaqaale ahaan ay ka qayb qaadan Doonaan.

Sidoo kale waxaa halkaas balan qaad wayn ka sameeyay Culimada Degmada Kalabaydh oo  bulshada oo dhan ugu baaqay in la dhiso xaruntan taas oo maalinkasta la keenayo magaalada caruuro Agoomo ah.

Waxaa Laga La soo xidhiidhayaa Xarunta Agoomaha Loo dhisayo Magacyada hoos ku qoran:-

1. Gudoomiyaha Dhismaha Sh Aadan wali Cabdi Xuseen     +252-63 4497127

2. Kaltuun Jaamac Maxamed  oo Joogta, Stockholm,Ee wadanka Sweden  +46727712028

3. Sheekh Bashiir Maxamed Yuusuf oo ah Sheekha Degmada Kalabaydh +252-63 4960013

4. Sheekh. Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Maamulaha Machadka-Kalabaydh +252-63 4496620

5. Dr Ibaraahim yuusuf Aw Nuur Agaasimaha Caafimaadka Degmada Kalabaydh  +252-63 4496593

no images were found

C/kariim C/laahi
Lascanod,Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online