Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay gobalka Galgaduud

September 3, 2014 - Written by Editor

ciidankaGalgaduud:-Ciidanka DFS iyo kuwa  AMISOM ayaa ka ambabaxay degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana ay u dhaqaaqeen deegaaano u dhexeeya degmooyinka Ceel-buur iyo Dhuusamarreeb.

Taliyaha ciidanka DFS qeybta 21-aad G/sare , Sulub Axmed Diiriye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gobalka Galgaduud ay ka bilaaw deen howlgalada Badweynta Hindiya waxaana uu sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin deegaanada Ceel-la-helay, Ceel-qooxle, Ceel-garas, Xiin-dheer iyo Ood-weyne oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa ka wada dalka Soomaaliya duulaan  ka dhan ah ururka Al-Shabaab waxaana ay doonayaan in ay isku furaan gobalada dalka qaar kuwaas oo ay go,doomiyeen Al-Shabaab waxaana go,doominta ku dhinta shacab aan waxba galabsan.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidanka Al-Shabaab ay ka baxeen qaar ka mid ah deegaanada gobalka Galgaduud
iyagoo qorshaytay in dagaalo dhabo gal ah oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay ku qaadaan ciidamada huwanta ah ee ku soo duulay deegaanada ay ka talin jireen.

Hoos ka Daawo Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo ka dhaqaaqay Degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud


A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online