Dagaal ku dhexmaray Koonfurta Gaalkacyo koox burcadbadeed ah iyo khasaaro ka dhashay

September 25, 2014 - Written by Editor

dagaal-beeleedGaalkacyo:-Waxaa dagaal u dhexeeya kooxo burcadbadeed ah ayaa saaka waxaa uu ka dhacay Koonfurta magalada Gaalkacyo ee ay maamulaan maamulka Gal-mudug waxaan dagaalkaas dhimasho iyo dhaawac ay soo kala gaartay labadii kooxood ee burcad ahaa iyo dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta dagaalku ka dhacay. Dagaalka dhexmaray kooxdaan burcadbadeedka ah ayaa waxaa ku dhintay ilaa 3 qof waxaan ku dhaawacmay ilaa 8 qof oo iskugu jira burcadbadeed iyo dad shacab ah oo rasaastu ay haleeshay.

Dadka dhintay ayaa waxa la sheegayaa in uu ku jiro hogaamiye burcadbadeed oo magaciisa lagu sheegay Cali Duulaa,kaasi oo laga yaqaan Gobolka Mudug. Dagaalka dhexmaray burcadbadeedka ayaa waxaa la sheegayaa in uu salka ku hayo lacag madax furasho ah oo kooxdaan buracad ay ka qaateen  weriye ajnebi ah oo lagu magacaabo Micheal Scott oo sanado badan u afduubaan koox burcadbadeed ah.

 

Xaalada magaalada ayaa ah mid degan mana jiraan dhibaato kale ama wax xiisad ah oo ka dhex jirta dadka walaalaha ah ee wada degan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online