Dawradii 5aad ee Daladda khariijiinta Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya(Masawiro)

September 27, 2014 - Written by Editor

IMG_5742Waxaa 26/9/2014 kuna began 2/dul Xija/1435 lagu qabtay magaalada boosaaso kulan cilmiyeed si wayn loosoo agaasimay, waxaana loo qabtay kulankaas ardayda boosaaso ku sugan ee ka baxday macaahidda sharciga ah ee Soomaaliya, waxaana dawradaas soo qabanqaabisay Dalladda aradayda ka baxday Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya ayadoo kaashanaysa Raabidada khariijiinta macadka Ibnu-Xajar, waxayna ka dhacday dawradaasi hoolka shirarka Masjidka wayn ee Al-Rawda.

Dawradaas ujeeddadeedu waxay ahayd in la xoojiyo xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhexeeya ardayda ka baxday Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya, lana kobciyo aqoonta ay u leeyihiin maamulista hawl wadareedka iyo in la dhiso golihii fulinta ee Dalladda.

Galinkii hore ee jimcaha ayay dawradu bilaabatay, waxaana ugu horrayn ka hadlay Guddoomiyaha Ardayda ka baxday Macadka Ibnu-xajar Nasrudiin Axmed Cabdalle, asagoo ka warbixiyay ajandaha iyo ujeeddada kulan cilmiyedka loo qabtay, wuxuuna soo dhaweeyay ardayda khariijiinta ahoo ka baxday macaahidda sharciga ah ee goobta isugu timid, intaa kadib waxaa goobta kalmado ka jeediyay Guddomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Hormarinta Ustaad.Maxamad CabduLaahi asagoo soo dhaweeyay kasoo qayb galayaashii iyo marti-sharaftii madasha isugu timid, gudoomiyuhu wuxuu ku boorriyay kasoo qayb galayaashii xafladda inay xambaaraan xilka diinta ee saaran kana shaqeeyaan fidinta dacwada, wuxuuna intaas ku daray inuu si dhow ula shaqaynayo Dalladda khariijiinta Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya.

Intaa kadib waxaa la guda galay muxaadaraadkii, waxaana laga jeediyay dawrada laba muxaadaro oo kala ahaa:

Taariikhda baraaruggii islaamka ee soomaaliya(تاريخ الصحوة الإسلامية في الصومال) oo uu jeediyay Sh.Cabdi Waaxid Xaashi oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Samafalka ee Manhal iyo Hawl Wadareedka (العمل الجماعي) oo uu jeediyay Sh.Jaamac Maxamed Xassan oo ah camiidka kulliyadda Shareecada ee Jaamacadda Bariga Afrika.

Waxaa ku xigayoo kalmado kasoo jeediyay madasha Guddoomiyaha qaybta Puntland ee Raabidada Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya Sh.Axmed Faarax Garaase, wuxuuna sheekhu ku boorriyay khariijiintii madasha joogtay inay xogga saaraan qoraalka, oo ay dacwada uga faa’iideeyaan qalinkooda, kuna dhiirri galiyaan ducaadda in ay wax qoraan.

Intaa kadib Raabidada khariijiinta Macadka Ibnu-xajar ayaa waxay soo jeediyeen xog-waran ku saabsan waxqabadkooda, waxaana u jeediyay Mubaarak Maxamad CabduLaahi.

Salaaddii casar kadib ayaa haddana la isku soo laabtay, waxaana ugu horrayn la qaybiyay ajandihii galabta waraaqo ah, kadibna waxaa la guda galay hawlihii galabnimada la qaban lahaa, waxaana goobta ka hadlay Sh.siciid Cismaan Yuusuf oo ah maamulaha Macadka Ibnu-Xajar Al-Casqalaani, Waxaa ku xigay Cabdiraxmaan Cabdiwaaxid Deeq oo soo jeediyay Hawlaha Kulankii 1aad ee khariijiinta Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada Laascaanood, intaa waxaa xigay Guddoomiyaha Dalladda ardayda ka baxday Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Xassan Yuusuf, wuxuuna jeediyay gudoomiyuhu xeer-hoosaadkii, Qorshe Hawleedkii Sannadkaan iyo wax-qabadkii Dalladda intii la doortay.

Ugu danbayntii waxaa la guda galay Doorashooyinkii Golayaasha Fulinta ee Dalladda, is reebreeb kadibna waxaana lasoo xushay 20 qof oo kala matalaysay shan machad khariijiintood.

no images were found

waxaa sidoo kale doorashada ku jiray dumar oo ayagu soo xulay 9 gabdhood, waxaana loo sameeyay guddoomiso, waxaana loo doray inay muddo bila kusoo diyaariyaan qorshe dhamaystiran si maktabkii dumarka ee dalladda loo shaqa galiyo.

Guddigaas ragga ah ee lasoo xushayna waxay kulan yeesheen salaaddii makhrib kadib, Guddoomiyaha dalladdaana u sharraxay gole kasta shaqadiisa iyo shuruudaha cidda lasoo dooranayo, wakhtiga oo dhacay awgiisna xulkii lasoo doortay waxay ku heshiiyeen in subaxnimada Axadda ah ay dhammaystiraan doorashadooda, kuna dhawaaqaan golayaasha fulinta ee Dalladda.

Musasat Al-Minhaaj
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online