Doorkee culimada kaga jiraan Siyaasadda Soomaaliya ?? [Daawo Video-ga]

September 8, 2014 - Written by Editor

11Minneapolis:-Waxaa ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota dood cilmiyeed ay qayb ka ahaayeen qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool  Maraykanka waxaan ka xusi karnaa Sh.Maxamed Idris, Sheekh Xassan Jaamici, Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar, Sheekh Aadan Sheekh Cabdulle, Sheekh. Axmed Nuur iyo Sheekh. C/weli Xaaji Maxamed. Dood cilmiyeedkaan ayaa waxaa soo abaabulay Sadiq Warfaa isagoo sheegay in kulankaan loo qabtay  in culimada Soomaaliyeed oo taariikh dheer ku leh xornimo doonkii dalka Soomaaliya  ay bal wax ka yiraahdaan dowrkooda ku aadan siyaasada murugsan ee dalka Soomaaliya waxaan uu xusay in Fagaaraha loo sameeyey in lagu doodo ka dibna la is fahmo si dhibka looga baxo.

Sh Maxamed Idirs oo hadal kooban jeediyey ayaa sheegay in aan la gaarin waqtigii ay culimadu ay qayb ka noqon lahaayeen siyaasada Soomaaliya maadaam aan ilaa hadda aysan jirin  wax jiho ah ayna muhiim tahay bal marka hore in la hello Soomaali isku duuban oo is ogola waxaan uu xalka ku soo aruuriyey ilaa 4 qodob in ay tahay muhiim waxaan ka mid ahaa:-

1.Towbad keen dhab ah.

2. Kalsooni buuxda.

3. Hoggaan wanaagsan oo leh daacadnimo.

4.Geesinimo iyo aragti dheer iyo xirfad xigmadeysan.

Waxaa kale oo goob ka hadlay Sh. Xassan Jaamic oo xusay in culimadu ay dowr fiican ka soo qaateen in shacabka Soomaaliyeed ay baraan diinta Islaamka  iyo in ay hishiisiiyaan qabaaa’ilka Soomaaliyeed inta tabartood ah , Sh Xassan Jaamic ayaa ku soo afmeeray doodiida in xalku soomaaliya uu yahay xukunka Islaamka. Sh Xassan ayaa doodiisa ku soo koobay in xalka Soomaaliya la gaari karo marka la hello 3 arrimood oo kala ah.

1.Nabad

2. Caddaalad.

3. Sinaan

no images were found

Ugu danbayntii ayaa waxaa goobta ka hadlay   Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar oo sheegay in ay muhiim tahay in dadka aysan kala saari diinta iyo dowladda  waa haddii la doonayo in la hello xal dhb ah oo looga baxayo dhibaatada ka jirta Soomaaliya  iyo caalamka Islaamka, Shiikh Cabdiraxmaan ayaa ku booriyey dadweynaha in muhiim ay tahay in Islaamka uu u yimid oo kaliya in dadka loo ilaaliyo diinta iyo dowladnimadiisa iyadoo xukunku uu noqonayo diinta Islaamka.

Hoos ka Daawo Fagaaraha Doorkee culimada kaga jiraan Siyaasadda dalka Soomaaliya

Halgan.net
Minneapolis, Minnesota

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online