Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay dileen hogaamiyihii Al-shabaab

September 5, 2014 - Written by Editor

GodaneMuqdisho:-War dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerar kii dhinac cirka ee ka dhacay deegaaka  Sablaale iyo dhaayo tubaako oo kaga beegan  dhinac Waqooyi degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha  Hoose ay ku dileen hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Qoraalkaan oo ku soo baxay mareegta  Whitehouse.Gov ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Difaaca ee dowladda Mareykanka ay xaqiijinayso dilka Axmed Cabdi Godane taas oo ay sheegeen in ay  khasaaro weyn ku tahay  ururka Al-shabaab oo farac ka ah  Urur weynaha Al-Qaacida.

Waxaa kale oo Wasaaradda Difaaca ee dowladda Mareykanka ay sheegeen in dilka Hogaamiyaha Ururka Al-shabaab ay u tahay guul taariikhi ah geeska Afrika iyagoo xusay in sirdoonka dowladda Marayknaa in mudo ah ay u daba jiren hogaamiyaasha waxay ku sheegeen argagixisada geeska afrika .

Warka ka soo baxay  Wasaaradda Difaaca ee dowladda Mareykanka ayaa ah mid iyaga ku e’eg  mana jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay hogaanka ururka Al-shabaab oo ay ku xaqiijiyaan nolosha ama geerida hogaamiyahood.

Hoos ka Daawo Wasaaradda Difaaca ee dowladda Mareykanka oo ka hadlay weerarkii ay ka fuliyeen soomaaliya 2 September 2014.

Dowladda Mareykanka ayaa ururka Al-shabab waxaa ay ku dareen liiska wax ay ugu yeeraan ururada Argagixisada bishii  Bishii February ee sanadkii 2008dii, waxaana ay lacag fara badan dul dhigeen hogaamiyaal badan oo ka tirsanaa al-shabaab  iyo Axmed Cabdi Godane oo ay dul dhigeen lacag gaaraysa Todoba malyuun oo dollar. Halkaan a eeg qoraalka ay Dowladda Mareykanka ay ku sheegteen dilka hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane

Dhinaca kale  Saxaafadda reer galbeedka gaar ahaan Cnn-ka iyo BBc-da iyo tan Dowldda federaalka Soomaaliya ayaa ka sameeyey faalooyin iyo qoraalo ay ku sheegayaan in la dilay hogaamiyihii ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane laguna dilay weerarkii diyaaradaha Maraykanku ay ku qaadeen deegaanka Sablaale ee gobolka Gobolka Shabeelaha  Hoose.

Hoos ka Daawo tv-ga Cnn-ka oo ka hadlay war ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dowladda Mareykanka

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online