Dufcadii 7aad oo ka qalin jebisay Markiska Al-Imaamu shaafici ee Burco.[Video/Masawiro]

September 29, 2014 - Written by Editor

2Burco:-Xaflad qalinjebin ah oo ay ka soo qayb galeen Culimada Waaweyn ,ee gobolka togdheer  salaadiin iyo weliba masuuliyiin kale ayaa  ka dhacday xarunta  machadka barashada  Culluunta sharciga ee AL- IMAAMU SHAAFICI  Magaalada Burco. Xafladan oo ahayd qalin jebinta dufcadii Todobaad ee ka qalin jebisa  markiska AL-Imaamu shaafici  waxay ka koobanaayeen 87 Arday oo isugu jira 32 arday oo  Inamo ah iyo 55 Hablood.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Maamulaha Machadka Imaamu shaafici Shiikh Yuusuf maxamuud Diiriye  oo si qoto dheer uga  war bixiyey ujeedooyinka loo aas aasaay machadkan inay ahaayeeen in la dhiso wacyiga  Aqooneed iyo diineed ee ardayda si loo helo Jiilal  leh aqoon diineed oo tayaysan iyo in lagala dagaalamo munkaraadka. Isagoo machadku ka duulayo Manhajka dhexdhexaadka ee ehl-usunnah waljamaaca kaasoo aan lahayn gaboodfal iyo ka  gaabin toona.

Sh Yuusuf Maxamuud Diriye oo ka waramaya  faa,iidooyinka uu machadkani u leeyahay  Bulshada inay ka mid tahay inuu soo saaray Ardaydii wax ka baran lahayd Jaamacadaha magaalada  Burco gaar ahaan Kuliyada shareecada Islaamka , kaasoo ah tiirarka ugu waaweyn ee waraabiya Kuliyatu shareeca.

Machadka Imaamu shaafici oo ah xarunta ugu wayn ee laga  barto Culluunta islaamiga ah ee Gobolka Togdheer waxaa guud ahaa dhigta 550  Arday oo isugu jira wiilal iyo habloba,   waxaa hore uga qalin jebiyey 6 dufcadood  oo soo dhamaystay mudadii waxbarashada machadka oo ahayd  mudo  sadex sanadood ah.  Iyadoo wax barashadu ay tahay waxbarasho tayo leh  taasoo ku timi ka dib markii uu Maamulku diyariyey Macalimiin Aqoon sare u leh Diinta islaamka oo waqtigooda qaaliga ah u huray inay wax baraan Ardayda iyaguna diyaarka u ah inay wax  bartaan.

Xafladaa Qalinjebinta Waxaa isna halkaa hadalo kooban ka soo jeediyey Fadiilat Sheekh Cali Warsame Xasan oo ka mida Culimada waaweyn ee Soomaliyeed wuxuuna  ugu horayn u mahad celiyey Maamulka Macalimiinta iyo Ardayda  wax ka barata Machadka  Imaamu shaafici  isagoo ugu baaqay Ardaydaas inay awooda saaraan  waxbarashada iyo sidii ay u  xaqiijin la haayeen hadafkooda una gaadhi lahaayeen  himiladooda.

Wuxu Shiikh Cali ugu danbayn  kusoo gunaanaday kelmado isugu jira dardaaran dhiirigelin iyo boorrin uu ugu baaqay dhalin yarada ka qalinjebisay machadkan inay ogaadaan inay yihiin Dhaxalkii Umadan iyo Jiilashii dhaxli lahaa  masiirka Umada ayna u diyaar garoobaan inay u istaagaan sidii au Dadka u gaadhsiin lahaayeen Shareecada Islaamka umadana uga faa;iideeyaan Aqoonta ay xanbaarsan yihiin inay  inaanay ka daalin inay sii wataan Aqoontooda iyo   waxbarashadooda ilaa Heer jamaacadeed si ay u noqdaan kuwii  iyaga bedeli lahaa.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Maamulaha  Xidhiidhiyaha Wasaaradda waxbarashda iyo macaacida gaarka loo leeyahay. Mudane Jaamac cabdille cali Wuxuu mahad balaadhan usoo jeediyey Maamu;lka iyo macalimiinta Machadka isagoo ka  war bixiyey u jeedooyinka loo aasaasay machadkan  wuxuuna aad u soo  dhoweeyey waxqabadka iyo natiijada ka soo baxday dedaalkii uu sameeyey Machadku.

Camiidka kuliyada shareecada burco ayaa isna aad uga warbixiyey in tan iyo markii la aasaasay Markiska Alimaamu shaafici uu soo saaray ardayda ugu faraha badan ee dhigata  ama  ka qalin jebisay  Jaamacada Burco qaybta Shareecada Islaamka.

Waxaa iyana halkaas hadalo koob koban ka soo jeediyey Culimo iyo waxgaradkale   oo uu  ka mid yahay Sh.C/laahi  Baashe Daahir isagoo ugu horayn aad ardayda ugu dhiirigeliyey inay ka faa,iidaystaan Fursadan  qaaliga ah si ay  kor ugu qaadaaan mustawahooda  iyo heer kooda  tacliimeed maadaama loo diyaariyey inay sii wadan karaan tacliintooda ilaa heer jaamacadeed. Ayna ka taxaderaan wax ka sta oo caqabad ku noqonkara inuu baabi;yo juhdigii iyo dedaalki la geliyey.

Waxa kale oo uu aad ugu mahad celiyey  Jamciyada samafalka ee  Alxikma   oo ay leeyihiin Jaaliyada  Soomaalida ee ka  dhisan  dalka Denmark oo horseed ka ahayd dhismaha  Markiska Al-imaamu shaafici sanadkii 2005 tii.

Gudoomiyaha Jaamacadda Alnajaax Dr, Faysal Maxamed Cali ayaa isna aad usoo dhaweeyey Ardayda ka qalin jebisey Machadka  Al-imaamu shaafici wuxuuna ugu balanqaaday Ardaygii galay kaalinta koowaad inay siin doonaan wax barasho Bilaash ah.

Ugu danbayn waxaa kulankaas  soo gunaaday Duqa magaalada Burco Ustaad Maxamed muraad oo isna dhinaciisa  ugu baaqay ardaydii gashay kaalimaha 2, 3, 4aad inuu ka bixin doono Jaamacada.

Machadka Imaamu shaafici oo ah  xarunta ugu weyn xarumahad lagu barto Culuunta shareecada islaamka  ee Gobolka Togdheer  waxaa  uu u diyaariyey ardayda gobolka togdheer waxbarasho tayasan iyo Macalimiin Aqoon sare u leh shareecada islaamka.

no images were found

Hoos ka Daawo Dufcadii Todobaad oo ka qalin jebisay Markiska Al- Imaamu shaafici ee magaalada Burco.

Hayaan  Hersi
Burco,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online