Duqeyn ka dhacday inta u dhaxeysa Haawaay iyo Dhaaytubaako (Dhageyso)

September 2, 2014 - Written by Editor

DronesWararka ka imaanaya Gobalka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay Diyaaradaha dagaalka ee Dalka Mareykanka ay duqeyn ka geystay deegaan u dhaxeeya deeganada Haawaay iyo Dhaaytubaako oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha hoose.

Duqeynta ka dhacday xalay Gobalka Shabeellaha hoose ayaa Sarkaal lagu magacaabo John Kirby oo ka tirsan wasaarada Difaaca ee dalka Mareykanka wuxuu sheegay in ay duqeynta la eegteen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo shirayey wuxuuna sheegay in ay dib ka faahfaahin doonaan duqeynta.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha hoose C/qaadir Nuur Siidii oo saaka u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in Duqeynta lala eegtay Horjoogaha kooxda Al- Shabaab, Axmed Cabdi Godane iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Al Shabaab waxaana dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in duqeynta ay ka dhacday deeganada Haawaay Dhaaytubaako iyo Sablaale inta udhaxeysa .

Ilaa haatan ma jiraa cid ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka hadlay duqeynta la sheegayo in ay ka dhacday Gobalka Shabeellaha hoose.

Warbaahinta CNN ayaa qortay duqeynta ka dhacay Gobalka Shabeellaha hoose

Hoos ka Dhageyso Wareysiga VOA ay la yeelatay Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha hoose C/qaadir Nuur Siidii oo ka hadlaya duqeyntii xalay ka dhacday Gobalka Shabeellaha hoose

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/65ne262dxl/Sidii.mp3]

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online