Eng Cabdirashiid Bulxan Boqor oo xalay lagu dilay magaalad Garoowe

September 25, 2014 - Written by Editor

bulxanGaroowe:-Allaha ha u raxmadii waxaa habeenkii xalay dhagar qabayaal gacan ku dhiiglayaal ah ay ku dileen magalaada Garoowe Eng Cabdirashiid Bulxan Boqor oo ka mid ahaa injineerada hay’adda wadooyinka Puntland ee magaceeda loo soo gaabiyo PHA. Injineerka ayaa waxaa lagu dilay xili uu ku sugnaa agagaarka hotel Towfiiq ee magaalada Garoowe oo u dhowayd hotelka uu daganaa.

Dilkaan foosha xun ayaa waxaa geystay dhalin yaro hubaysan  oo markii ay dilka ay geysteen goobta ka baxsaday , ciidanka Booliska Garoowe ayaa xalay ilaa saaka waxa ay wadaan baaritaano xooggan , Laamaha amaanka ayaa lagu amray in si dhaqso ah ay cadaalada u hor keenaa kuwii dilka u geystay  Eng. Cabdirashiid Bulxan Boqor allaha u naxariistee oo ahaa Enjineeka gacanta ku hayey  dhismayaasha wadooyinka ee ka socda magaalada Garoowe.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Qani Xaashi Cali oo la hadlay saxaafadda saaka ayaa tacsi u diray eheladda allaha u naxariistee Eng. Cabdi Rashiid Bulxan Boqor oo ka tirsanaa Engineerada hay’adda dhismaha jidadka Puntland. gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa falka dilka ku tilmaamay mid fool xun  oo diinta  iyo ehelnimadaba ka dhan ah wuxuu ku booriyey ciidanka amaanka in ay soo qabtaan kuwa dilka geystay

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online