Golaha Wasiirada ee DFS oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka

September 21, 2014 - Written by Editor

1Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaliya. Kulankan oo looga dooday arrimo dhawr oo ay ka mid yihiin ammaanka qaranka iyo Hindise-sharciyadeedka Biyaha, ayaa waxaa ugu danbayntii lagu magcaabay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka u magcaabay Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Wasiir-ku-xigeenka War-faafinta Xukuumadda Soomaliya Mudane Cabdulaahi Colaad Rooble ayaa ka dib markii uu soo dhammaaday shirka Golaha Wasiirada waxa uu la hadlay saxaafadda, isagoo sheegay in Goluhu isku raacay magcaabidda Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Wasiirku isagoo hadlaya, waxa uu yiri: “ Golaha Wasiiradu waxa ay sidii caadada ahayd ka hadleen xaaladda ammaanka, iyadoo war-bixinno laga dhegaystay Wasaaradda Ammaanka Qaranka. Golahu waxa uu sidoo kale isku raacay magcaabidada Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iy Sirdoonka Qaranka oo loo magcaabay Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

“Waxaa xusid mudan in magacii Agaasimaha Hay’adda meesha laga saaray oo lagu beddelay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, magacaasi ayaana loogu yeeri doonaa. Goluhu waxa uu u rajaynayaa taliyaha cusub in uu shaqadiisa u guto si hufan oo daacadnimo iyo waddaniyadi ku jirto.

DHAMMAAD
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online