Golaha wasiirada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku shiray magaalada Muqdisho

September 2, 2014 - Written by Editor

4Muqdisho:-Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed. Shirka ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, waxana laga soo saaray go’aamo muhiim ah oo ku saabsan hawlgallada lagu sugayo amniga dalka, iyadoo Xukuumaddu u qabatay muddo 45 maalmood gudahood ah in fursad ay u haystaan kooxaha Nabad-diidku ay isku soo dhiibaan dowladduna cafis u fidin doonto cidii isku soo dhiibta.

Kulanka markii uu soo dhammaaday kaddib, waxaa Saxaafadda si-wadajir ah ula hadlay Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg iyo Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxana ay faah-faahin ka bixiyeen qodobadii kasoo baxay shirkii golaha Wasiirrada.

Wasiirka Amniga Qaranka, ayaa akhriyay go’aamada afar qodob oo Xukuumadda kasoo baxay kuwaas oo kala ah.

1.Xukuumaddu waxay sii wadaysaa ayna xoojinaysaa howlgalka lagu soo afjarayo Kooxaha Argagixisada.

2.Waxaa Xukuumaddu cafis u fidinaysaa kooxaha la marin habaabiyay cafis kaas oo ay ka faa’iidaysan karaan muddo 45 cisho ah, cidii ka faa’iidaysan weyda waxaa loo aqoonsanayaa dambiile sharciga ayaana la horgaynayaa, xubnaha ka faa’iidaysta cafis kaas Xukuumaddu waxayna u abuuri doontaa nolol fiican oo dib ugu dhistaan mustaqbalkooda.

3.Xukuumaddu waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaysaa in ay barbar istaagaan ciidamadda geesiyaasha ah ee la dagaalamaya cadowga.

4.Xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa Culima’udiinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan marxaladdan muhiimka ah, iyagoo iftiiminaya fahamka guracan iyo been ka sheega diinta Islaamka.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ka jawaabayay su’aallo ay warbaahintu waydiiyeen ayaa sheegay ujeedka howlgallada socda ee ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka in uu yahay sidii loo afjari lahaa kooxaha Nabad-diidka.

“Ujeedka howlgallada socda waa in lasoo afjaro Al-shabaab, duqeyntii ka dhacday gobolka Shabellaha hoose waxaa lagu beegsanayay hoggaanka Al-shabaab,waxana la gaarsiiyay khasaare waana sii socon doonaan howlgalladan” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Kulankan looga hadlayay howlgallada ka socda gobollada dalka ayaa kusoo idlaaday jawi farxadeed iyo duco loo duceeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dalka si dhibaatada muddada dheer soo jirtay looga baxo.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online