Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo Faah Faahin ka bixiyey shirka dib u heshiisnta Berri Baydhabo Ka Furmaya

September 13, 2014 - Written by Editor

Sawirka Baydhabo JanaayBaydhabo:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Baydhabo ku sugnaa maalmahan ayaa faah faahin ka bixiyey shirka dib u heshiisiinta shacabka Koonfur Galbeed oo maalinnimada berrito ah ka furmi doona magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “shir weynaha dib u heshiisiinta shacabka gobollada Koonfur Galbeed haduu Alle idmo si rasmi ah ayuu u furmi doonaa maalinnimada berrito ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 14ka September-2014,waxaa shirka ka qeybgali doona ergo ka kala socota gobolladan oo hadda Baydhabo ku sugan,Ajandaha ugu horeeyana waa in dib u heshiisiin ballaaran,is cafin iyo isku calool fayoobi ay gaaraan guud ahaanba shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed”.

Shir weynaha dib u heshiisiinta Shacabka gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo socon doona mudo 45 cisho ah oo ka bilaabineysa maalinnimada berrito ah ayaa wejigiisa Koobaad waxa uu ku saabsan yahay dib u heshiisiin guud,is cafin, wejiga Labaad ee shirkana waxa uu noqonayaa in la mideeyo aragtiyooyinka kala duwan ee ku saabsan dhismaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, halka wejiga Seddexaad ee ugu dambeeyana uu yahay in la gudagalo dhismaha maamulka KMG- ka koonfur Galbeed.

Munaasabadda furitaanka Shir weynaha dib u heshiisiinta shacabka Koonfur Galbeed waxaa kasoo qeybgalaya berri hadii uu Alle idmo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda,xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,Xildhibaanno,Odayaasha Dhaqanka iyo marti sharaf kale waxaana qabashada shirkan aragti mideysan kusoo dhaweeyey maanta Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online