Gudoomiyaha Baarlamanka DFS Prof. Jawaari waa la igu been abuurtay.[Daawo Video-ga]

September 15, 2014 - Written by Editor

DSCN0732Baydhabo:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa jawaab ka bixiyey hadal been abuur ah oo si qaldan loo kala jaray kaasi oo xalay lagu baahiyey shabakadaha Internetka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda furitaanka shir weynaha dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed oo maanta Baydhabo ka dhacday ayaa yiri “maanta shirkan furmaya aawgiis xalay maxaa la sameeyey ? Websiteyada oo dhan waxaa lasoo geliyey ninkii odayga ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka waa taraaraxay oo Puntland ayuu weeraray, bal amarka Ilaaheey fiiri dulumka iyo daalimiinta waxa ay sameynayaan, 2013 inta anigoo jooga Odayaasha halkan anigoo kula shiraya anigoo idiin qudbeynaya oo hadlaya waatii telefoon la iisoo diray 11kii September 2013 howlgallo laga sameeyey xiligaas Puntland oo la igu yiri hada waxa socota ganacsato la xir xiray “

“taasi waxaan tusaale ugu soo qaatay in idinka nabadii meeshaan laga doonaayey aad hanti weyseen oo aad xasilin weyseen,dadkii idiinka tagayna meel kale ay joogaan , waa la gooyey hadalkeeyga oo dhan Jawaari waxaa la yiri Puntland dadbeey xer xertaa baraha internetka ayaa lasoo geliyey, saakay oo dhan Xildhibaanno ayaa telefoonno iga soo wacayey oo I dhahay Oday waa sidee? Hada inaan dhahay ayaa laga dhigay waana hal sano ka hor mar howlgallo ay socdeen oo aan idinka tusaale ahaan idiinkugu soo qaatay, bal amarka ilaaheey intaas ayaa lasoo geliyey dadkii oo dhan waxey leeyihiin Oday sidaan laguuguma ogaan jirinee” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka.

“intaas ayaa lasoo geliyey sida ma aragtaa kuwa Kirishtanka ah ee markii qurbaha aad joogto, gaallada muslimiinta lidka ku ah ee qur’aanka wax ka sheegaya aayad ayey ku weeydiinayaan waan idiin sheegayaa tusaale waxaan usoo qaadanayaa :- aayad (AL-RIJAALU QAWAAMUUNA CALA NISAA’I ) hakadka kaliya ayey istaagayaan horey uma soconayaan oo ma dhameystirayaan, tanina taas ayey la mid tahay oo hadalkeeyga lama dhameystirin,waxaan leeyahay Alle ka cabsada saxafiyiinta oo hadalka sida uu yahay usoo daaya maalintaasi waad joogteen” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Muuqaalka Jawaabta Gudoomiyaha Baarlamaanka Hoos Ka Daawo

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online