Guutaale oo sheegay in ay la wareegeen deegaanada Wabxo iyo Jacar

September 22, 2014 - Written by Editor

amisomGalgaduud:-Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanada Wabxo iyo Jacar ee gobalka Galgaduud.

Deegaanada Wabxo iyo Jacar ayaa waxay u dhexeeyaan Degmooyinka Ceelbuur iyo Maxaas waxaana ay ciidanka huwanta ay ula wareegeen si nabad galyo ah .

Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur ee Maamulka Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay ka baxeen deegaanada Wabxo iyo Jacar ayna haatan ku sii jeedaan deegaano kale isaga oo ku hanjabay in aysan Shabaab ka hari doonin oo ay duurka iskula jiraan.

Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa qorsheynaya in ay qabsadaan degmada Ceeldheer oo ay haatan ku sugan yihiin ciidanka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaan ilaa haatan ka hadal deegaanada ay qabsadeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM gaar ahaan deegaaanada Wabxo iyo Jacar.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online