Hay’adda Samafalka Geeska Africa Odagan ee magaalada Hargaysa oo dhar u qaybisay Agoonta [Masawiro]

September 19, 2014 - Written by Editor

DSC_0226Laascaanood:-Deeqdaan ayaa waxa loo qaybiyay caruurta agoomaha ah ee ku jirta xarunta agoomaha ee laascaanood iyo masaakiinta magaalada laascaanood, caruurta loo qaybiyay ayaa halkaas tiradooda waxaa ka sheegay madaxa mashaariicda Hay’adda Samafalka ee Geeska africa, Sh Cabdiraxmaan Aadan Cige ayaa yidhi kun caruur ah oo kala ah wiilal iyo hablo ayaan maanta magaalada Laascaanood ugu qaybinaynaa deeqda dharka ciida oo ay bixisay hay’dda Bisha cas ee Imaaraadka Abu Dubia.

Waxaana ku deeqay Maxamed Ibnu Rashaad,Al-maktuub oo ciidsiiyay caruur gaadhaysa 1,000,000 oo ku nool daafaha Caalamka. Masuulkan ayaa Halgan,net u sheegay in goobo badan ka qaybiyeen oo ka mid ah Ceerigaabo,Laascaanood,Boorama,,Salaxlay Baligudable ,lafaruug waxaa kale oo aan ka qaybin doonaa Hargaysa,Burco.

Sh Cabdiraxmaan ayaa yidhi ” Waxaana si wayn ugu farxay dhamaan caruurihii aanu u qaybinay dharkan oo si wayn u faraxay waana talaabo muhiim ah,in ka haayad ahaan iyo masuulyiinta agoonta laascaanood iyo culimaduba iska kaashadaan sidii loo caawin lahaa agoomaha iyo masaakiinta oo diinteenu ina farasyo inaan u gargaarno.

Waxaana halkaa oga ducaynayaa cidii ka soo qaaday walaalkas ku deeqay  dharkaan aniga oo ku hadalaya magaca Hay’adda samafalka ee Geeska africa sii wadi doontaa taageeradii ay siin jirtay  haayadu shacabka ku nool gobolka Sool , hore ay haayadu oga fulisay mashaariic dhismayaal iskuulo,masaajido waxaana mid si wayn ay u xusuustaan dad waynuhu.

no images were found

C/kariim C/laahi
Halgan,net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online