Ina godane ma Dhaga juun baa?!!!W/Q Sheekh Abdirazak Sugull

September 3, 2014 - Written by Editor

maqaalQisaba qisay ku xusuusisaa, sheekana sheekey keentaaye, wararkii maanta lagu soo qoray mareegaha internetka ee ahaa duqeyntii Sablaale lagu bartilmaameedsaday saraakiisha Alshabaab, iyo in la leeyahay waxaa ku jirey hogaamiyaha kooxdaasi Axmed Cabdi Godane oo hadana la shaki geliyay inuu nool yahay iyo in kale. Qisadani waxay i xusuusisay, hadda ka hor ayaa waxaa jirey nin Dhaga juun la oran jiray oo reer baadiye ahaa, suuqa xoolaha ayuu xoolo beec ah keensaday, wuxuuna qabay xanuunka suuxdinta, mana jirin waagaas wax lagu garto qofka suuxdimaha qaba sida hadda xaalku yahay oo gacanta wax loogu xiro si loo caawiyo ama loo fahmo in xanuunka suuxdinta uu qofkaasi qabo. Ninkii Dhaga juun ahaa markii uu xoolihii keenay oo wax xoogaa joogay ayuu suuxay, dadkii goobta joogay ayaa iyagoon hubsan markiiba intey qayd maraykaan ah oo cad ku duubeen ayay godka la beegsadeen oo aaseen, xoolihiisina waa laa kala dareersaday.

 

Waxaa jiray nin qof kastoo la aaso inta qabriga kala soo baxa, ka furta kafanta si uu u gato. Dhagajuun oo qabrigii dhex jiifa oo suuxsan, dharkiina laga furtay ayaa Xag Allaah waxaa ka yimid roob, markii biyihii roobku ku dhibceen ayuu soo baraarugay, inta uu soo istaagay ayuu orod isdaayay, isagoo qaawan oo sidii hooyadii ku dhashay ah ayuu xaafaddii isku-raran ahayd guri ku yaalla oo uu magaalada ka yaqaanay ka soo dul dhacay.Dadkii goobta ku cawaynayay argagax iyo amakaag ayaa ku dhacay, muddo markii la naxsanaa oo la kala yaacay ayay arkeen in waxan soo dhex galay ee malaha ay balaayo ku soo dul dhacday moodeen uu yahay ninkii dhagajuun ahaa ee la aasay, intey soo fariisiyeen ayay waraysteen bal sida wax u dhaceen, wuxuuna u sheegay in xanuunka suuxdinta uu qabo, dabadeedna iyadoo aan la hubsan la aasay, uuna arkay isagooo dhex jiifa qabri, Allena uu ku galadaystay nimcadiisa oo roob ku dul da’ay.

Dhaga juun reer magaal buu noqday, muddana wuu noolaa, maalinkii danbe ayaa geeridii runta ahayd u timid, markaasaa la waayay ciddii aasi lahayd, oo qof walbaa wuxuu yiri dhaga juun yaa aasi kara, biluu sidiisii suux oo misna mar kale nagu soo tooos!!. Markii laba maalmood la isku hayay arinkiisa ayaa dhakhaatiir lagu kalsoon yahay loo yeeray oo ay xaqiijiyeen in uu dhintay, saasaana lagu aasay.

Haatan iyo dan, Maraykanka iyo xulufadiisu waxaa ay sheegeen in ay gantaal huwiyeen saraakiil Alshabaab ah oo uu ku jiro hogaamiyahoodii Ina godane, balse waxaan leeyahay Ina godane ma dhaga juun baa?!, Imisa goor baa la sheegtay in la diley ama uu khatar ka badbaaday?!! yaase ka akhrisanaya xulufada howsha fulisay in warkaasi sax yahay iyo in kale?, Maxayse taraysaa in war la buun buuniyo laga dhigo dhimashada qof, iyadooo wali ay Soomaaliya ka shaqaynayso (iyadoo laga shaqaysiinayo) xarakada Al-shabaab oo ka badan qof iyo wixii la halmaala?.. Suuragalse ma tahay in arinka warkan uu yahay mid la isku raad gadayo, oo uu yahay micno kale iyo wixii filimada Maraykanka lagu daawan jiray ee ahaa in qof Lagu shaqaystay muddo, si loo badbaadiyo markii howsha laga dhamaysto, suuqa loo geliyo in la dilay, dabadeedna sidaas inta magac iyo dhalasho kale loo sameeyo adduunka cirifkiisa kale la geeyo oo la yiraahdo waa abaalmarintii howshaadee halkaas ku raaxayso.

Wax kastoo jiraaba arinka ka socda dhulkayagii hooyo ma ahan mid sahlan, waxaanse aaminsanahay in goor ay noqotaba ay Soomaaliya ka bixi doonto hagardaamada iyo shirqoollada loo qodayo, balse ay u baahan tahay in ay hesho dadkii xaqa u lahaa gar-gaarka Allaah noogu sheegay kitaabkiisa Qur’aanka, Rasuuulkuna NNKH uu nooogu xusay axaadiista suuban, kaasina waa mid u baahan in wado cad oo sax ah loo maro.

W/Q Sheekh Abdirazak Sugull

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online