Jaamacadda Badar International Oo Qayb Ka Furtay magaalada Boorama(Masawiro)

September 7, 2014 - Written by Editor

Badar-Internaional-Univesrity-15Boorama:-Munaasabad balaadhan oo loogu wanqalayay Jaamacadda Badar International University qaybteeda Gobolka Awdal  ayaa maanta ka dhacday Hotel Rays ee Magaalada Boorama waxaana ka soo qayb galay munaasabadan maamulka sare ee Jaamacadda Badar,Aqoonyahano,Culumawadiin,Salaadiin iyo Marti sharaf kale. Hadaba munaasibadani maanta oo ahayd mid ay ka muuqatay farxad iyo jacayl loo qabo in la helo jaamacada dhawra oo ay yeeshaan shacabku ayaa waxa ugu horayn ka hadlay halkaasi oo ka waramay ujeeada maanta looga furay magaalada Boorama iyo waxa ay qabandoonto Gudoomiyaha Boodhka jaamacada Badar Caalamiya Sh. Maxamed Yuusuf Cabdi.

Waxana uu yidhi “Marka hore waxa mahad iska leh ilaahay inagu manaystay nimcatul islaam, marka xiga waxa aan u mahadcelinayaa Martisharafta Saaladiin, Culimo,Aqoonyahan, Haween iyo dhamaan intii ka soo qaybgashay xaflada furitaanka Jaamacatul Badar Caalamiya, intaasi ka dib waxa maanta markale u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qaybqaadatay sidii jaamacadu u imanlahayd Boorama oo ay Farac ama Laan ugu yeelanlahayd Boorama, Jaamacadani waa jaamacad xarunteedu tahay Magaalada Hargeysa kana halwgasha kana sharciyaysan Wasaarada waxbarashada, maantana Boorama laantan aanu ka furayno waxay noqondoontaa mid aanu ku furno Kuliyada shariicada waxananu ku soo dhaweynaynaa cidkasta oo u baahan waxbarasho tayoleh.”

Prof. Aadan Miicaad Maxamed oo isaguna ku hadlaayay afka guud ahaan Jaamacada Badar Caalamiya ayaa waxa uu xusay “Waxa maanta noo farxada hadaanu nahay bahda Jaamacada Badarin aanu maanta ka furno magaalada Boorama Laan cusub oo ka hawlgasha magaalada gaar ahaan kuliyada Shariicada oo ku xidhnaandoonta Jaamacada Badar xarunteeda Guud ee Magaalada Hargeysa, shuruucaha iyo qawaaniintana waxay kala mid noqondoontaa jaamacada Badar qaybtaani marka aanu ku guulaysano wixii kale waanu isla eegi doonaa hadii ilaahay idmo waxanan ugu busharaynaynaa reer Boorama waxbarasho tayo fiican oo ay ka baran doonaana Jaamacada Badar insha’alaah.”

Sidoo kale waxa iyaguna xafladani furitaanka ka hadlay salaadiinta waaweyn ee Somaliland ahna salaadiinta gobalada galbeedka Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawa, Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar iyo Imaam Xaaji Axmed Miisaan Waxanay soo dhaweeyeen fikirka wanaagsan ee ka danbeeyay in maanta laga furo laantani cusub ee Jaamacada Badar ee magaalada Boorama waxanay sheegeen in ay aqoontu tahay wax markasta loo baahanyahay oo bulshada waxtarfiican u leh.

Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay Sheekh Xasan Khayre oo ah Maamulaha Machadka Saylac ee Borama waxana uu yidhi “Maanta kulankani waa mid ka mida kulamada ugu qaalisan waana kulan aynu kaga hadlayno tacliin oo ah waxa dadku ay ku faanaan ahna horumarka bani’aadamka, waxan soo dhaweynayaa xafladani lagu daahfuraayo farcigani Jaamacada Badar ee magaalada Boorama oo ah wax inoo soo biiray waxana ogsoonahay inay horay jaamacado kale oo wax wanaagsan qabtay ay ka furnaayeen magaalada Boorama, tana waxan ka filaynaa inay noqoto mid dadka wax badan u faa’iidaysa waanan soo dhawaynayaa fikirka saliimka ah ee jaamacadani lagu keenay Boorama, Jaamacadani waxa ay leedahay kuliyado badan gaar ahaan Kuliyadani maanta la furaayo oo ah Shariicada oo khaas ahaan anaga na khusaysa”.

Gudoomiyaha Jaamacada Badar gaar ahaan Laanta Boorama ee Maanta la furaayo Prof.Suleymaan Barkhadle Muuse waxana uu yidhi “Run ahaantii hadal waa la soo gabagabeeyay aniguna maanta waxan ii taala waa mahadnaq oo aan marka hore u mahadceliyo alaah oo inoo suurtagaliyay inaynu maanta ka furno Boorama Jaamacada Badar ee Caalamiga ah, waxanan ilaahay waydiisanayaa in ilaahay ii fududeeyo xilkan ay isaareen walaalahay waxanan idiin balanqaadayaan inaad Jaamacada Badar aad ka helidoontaan waxbarasho aad ku qancidoontaan oo ay kow katahay Kuliyada shariicada oo aan ku bilaabayno, waxanan rajaynayaa inaad ila shaqayndoontaan oo aad nagarab istaagidoontaan maadama ay jaamacadani ka mid tahay jaamacadaha ugu wanaagsan dalka waxanad noogu soo hagaagi doontaan hadii ilaahay Idhaahdo adeeg idinraaligaliya insha’alaah.”

no images were found

Isku soo wadaduuboo Jaamacada BADAR International oo laanteeda Boorama oo ah mid ka mida Xarunteeda dhexe ee Hargeysa aya la filayaa inay noqoto mid wax badan ku soo kordhisa magaalada Boorama, waxana xusidmudan in martidii ka soo qaybgashay iyo masuuliyiintiiba isku raaceen in la garab istaago oo lala shaqeeyo.

Ururka badbaadada dhalinyarada
badbaado04@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online