Jaamacadda Bariga Afrika oo Xaflad soo dhaweyn ah u sameysay ardeyda ku soo biirtay Sanad dugsiyeedka 2014-2015 [Masawiro]

September 29, 2014 - Written by Editor

EAU (2)Boosaaso:- Jaamacadda Bariga afrika faraceeda magaaladda Boosaaso ayaa maanta u qab tay xaflad soo dhaweyn ah boqolaal ardey oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo kusoo biiray Jaamacadda sanad dugsiyeedka 2014-2015.  Xafladda soo dhaweynta ah oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda ee Bosaso ayaa,waxaa ka qeybgalay aasaasayasha Jaamacadda,Bod-ka iyo Guddoonka,Mu’asada Minhaj,Rugta Ganacsiga Puntland,ardeyda cusub iyo maamulayasha Iskuulada.

Madaxa Waaxda aqbalka iyo diiwaangelinta Shiikh Axmed Maxamed Siciid oo ugu horeyn furitaanka ka hadlay ayaa kusoo dhaweeyey Jaamacadda Bariga Afrika dhammaan ardeyda Cusub ee sanad dugsiyeedka 2014-2015.  Shiikhu,wuxuu kula dardaarmay in ka faa’ideystaan Waxbarashada isagoona u sharaxaya Shuruudaha dhanka aqbalaad iyo shuruucda u yaala Jaamacadda Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Aadan Shiikhdoon Cali ayaa kusoo dhaweeyey ardeyda cusub Jaamacadda,wuxuuna ku booriyey iney u diyaar garoobaan marxalada cusub ay galayaan dhanka aqoonta.  Marxaladaa inaad u diyaar garowdaan oo dadaal sameysaan ayaa la idin kaga baahanyahay ……..”’ayuu yiri Aadan Shiikhdoon Cali .

Guddoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga Iyo Wershadaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac ayaa sheegay in maalin farxadeed u tahay in uu kasoo qeybgalo soo dhaweynta ardeyda cusub.
Wuxuu sheegay in maamulka Jaamacadda Bariga Afrika usoo jeedinayo mahadnaq ballaaran maadaama ay isu xilqaameen soo dhaweynta ardeyda cusub isla markaana siiya talooyin iyo waajibaadka laga rabo.

Shiikh Maxamed Cabdullaahi oo ku hadlay afka Mu’sasada Al-Minhaaj ayaa xusay in Maamulka Jaamacadda Bariga afrika laga doonayo iney u sahlaan ardeyda cusub wadiiqo walba oo ay mari lahaayeen isla markaana siiyaan tallooyin ku aadan Jaamacadda.

Qaar kamid ah ardeyda cusub ayaa xaflada ka sheegay iney ku faraxsanyihiin kusoo biiri taanka Jaamacadda Bariga afrika isla markaana doonayaan iney noqdaan kuwa ku dayda jiilkii ka horreeyey ee ka baxa Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.  Si kastaba ah ahaatee ardeyda cusub ee Jaamacadda Bariga afrika ayaa wajiyadooda laga dheehan karay diyaargarow farxadeed iyo bilowga marxalad Jaamacadeed.

no images were found

 Cismaan Turaabi
Bosaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online