Khudbadii Jimce ee Masjidka Al-raxma uu ka jeediyey Sh.Xassan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xassaan).[Video]

September 14, 2014 - Written by Editor

hqdefaultGaroowe:-Waxaa maalintii Jimce ka jeediyey khudbadii Jimce Masjidka Al-raxma ee magaalada Garoowe Sh.Xasan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan ) oo maalmahaan ka mid ahaa culimo dhaqdhaqaaq Dacwadeed ka waday magaalada Garoowe. Sh.Xassan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan ) ayaa waxaa uu khudbadiisa uu uga hadlay Mowduuc aad u muhiim ah oo ah Xurmada ay diinteenu siiyey nafta Qofka Muslinka ah iyo khatarta ka dhalankarta dadka arrintaas ku howlan.

Sheekh.Xassan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan ) ayaa xusay in fidnada ugu daran ee hadda ka jirta caalamka guud ahaan ama gaar ahaan Soomaaliya ay tahay in ay jiraan kooxo garab maray fahamka Islaamka ee saxda ah gaarayna in ay dadka shacabka iyo culimada ay jidgooyooyin ugu dhigtaan Iridaha Masaajidda oo ahayd  meelaha ugu xurmo badan dhulka.

Sh.Xassan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan)ayaa waxaa uu dadweynihii khudbada dhagaysanaydey uu uga digay in la fududeysto dilka dadka Muslimiinta qofkii arrimahaas ku kacan uu Alle u diyaariyey ciqaab adag aduun iyo aakhiraba.

Hoos ka Dhagayso Khudbadii Jimce ee  uu Sh.Xassan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xassaan ) ka jeediyey Masjidka Al-raxma ee magaalada Garoowe

Mu’ssadda Al-Minhaaj
Garowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online