Ku Simaha Madaxweynaha DFS oo Loogu Soo Dhaweeyey Baydhabo

September 1, 2014 - Written by Editor

DSCN0093Baydhabo:-Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo horey u joogay,waxgarad,odayaasha dhaqanka gobolladan, saraakiisha ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya,AMISOM,Siyaasiyiin,Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana garoonka diyaaradaha uu Ku simaha Madaxweynaha salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaanna kuwa dalka Ethiopia,sidoo kalena waxaa lagu soo dhaweeyey ciyaarro hidaha iyo dhaqanka ah.

Soo dhaweyntiisa kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada sida heerka sare ah usoo dhaweysay ayadoo kulankaasina ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga farsamada ee ay
Xukuumaddu u magacawday maamul u sameynta gobolladan waxaana Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaarraha Dr Khaalid Cumar Cali oo magaca guddigan ku hadlay uu uga mahad celiyey shacabka iyo maamulka reer Baydhabo sida ay
guddigooda usoo dhaweeyeen islamarkaana ula shaqeeyeen.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey kulanka ugu horeyn waxa uu uga mahad celiyey guud ahaanba reer Baydhabo sida ay usoo dhaweeyeen,sidoo kalena waxa uu ka hadlaya waxa laga dhowrayo shacabka gobolladan oo ah iney aayahooda ka tashadaan islamarkaana isku raacaan sidii ay u sameysan lahaayeen maamul ay ku mideysan yihiin taasina ay tahay buu yiri waxa ay ka dhur sugayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba caalamka.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu kula dardaarmay shacabka ku dhaqan gobolladan iney mar walba ilaaliyaan ammaankooda iyo isku duubnidooda isaga oo xusuusiyey in mar walba ay xusuusnaadaan kaalinta ay ku lahaayeen hadana ku leeyihiin jiritaanka iyo xoojinta Qarannimada Umadda Soomaaliyeed.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online