Kulan Jaaliyadda Soomaalida Koonfur Afrika ay ka yeesheen Abaaraha Gobolka Gedo.[Masawiro]

September 12, 2014 - Written by Editor

DSC07774Johannesberg:-Waxaa caawa bacdal maqrib oo Sabti soo galaayo ahna 12/09/2014 kulan balaaran isugu yimid dhamaan waxgaradka Jaaliyadda Soomaalida ee Koonfur Afrika gaar ahaan magaaalda Johannesberg. Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay Hotelka caanka ah ee Nuura hotel ayaa waxaa soo qaban qaabiyay masuuliyiinta Jaaliyada Beesha Sade ee Koonfur Afrika. Kulanka waxaa ka soo qayb galay dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa looga hadlaayay sidii loo caawin lahaa Abaaraha ka taagan guud ahaan Soomaaliya si gaar ah Gobolka Gedo oo ugu sii daran.

Kulanka waxaa kalimad wacdi ah ku furay Sheekh Maxamed Aadan Abdille wacdiga waxaa uu sheekha ku soo qaaday sidda loogu baahan yahay  in haddii xaalkaan oo kale uu dhaco in si weyn la isku caawiyo, si fiican ayuuna sheekha ugu booriyay caawinta dadka walaalaha ah ee ku dhibaataysan Gobolka Gedo.

Intaa ka dib waxaa shirka warbixin iyo ujeedada laga leeyahay sheegay gudoomiyaha beesha sade ee koofur afrika  C/risaaq Saney asagoo xusay in dhamaan dalka ay abaar ka jirto laakiin hadda ay u sii daran tahay gobolka gedo, ujeedada ay u marti qaadeen bulshada qaybaheedan kala duwana ay tahay in ay u soo bandigaan dhibka ka taagan gobolka gedo iyo sidii loo caawin lahaa, gudoomiyaha waxaa uu u mahadceliyay dhamaan ka soo qayb galayaasha shirka oo isugu jiray odyaasha hogaanka beelaha soomaalida, ganacsatada, culimada, dhalinyarada, iyo waxgarad nooc kaste leh.

Waxaa sidoo kale hadalka qaatay Sheekh Maxamuud oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida ee Koonfur afrika iyo mas,uuliyiinta beesha Sade ee Johannesburg, sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay baaxada ay leedahay abaaraha ka taagan gobolka gedo iyo sidda uu xaal maraayo  in hadda xoolihii ay sii dhamaanaayaan dadkiina ay bilaabeen meelaha qaarba in ay u dhintaan oon iyo nafaqo la,aan.
Waxaana uu ka codsaday walaalaha ka soo qayb galay xafladaan in loo istaago mashruucan oo aysan soomaali u kala harin, intaa ka dib waxaa hadalkii la siiyay ka soo qaybgalayaashii shirka, dhamaan raggii hadlayna waxay si aad ah u soo dhaweeyeen mashruucan loogu yeeray ee ah in caaawin lala gaaro walaalaha ku dhibataysan dalka gaar ahaan Gobolka Gedo.

Waxaa halkaa ka hadlay rag fara badan oo dhamaan tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in hiil iyo hooba ay la diyaar yihiin musiibada ka dhacday gobolka gedo, markastana walaalaha soomaalida ee Koofur afrikana lagu yaqaanay in ay si wada jir ah uga qayb qaatan wax ka qabashada dhibaatooyinka dalka, ama horumarinta mashaariicda dalka ka soconaayo.

Odayaasha oo dhamaan ahaa hogaanka soomaalida ee koofur afrika iyo ganacsatadii ugu waaweynaa ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan qooqaani, gudoomiye shariif maxamed wehliye, c/raxmaan buluug, diktoor yaasiin, diktoor xuseen, cali guraaje, sheekh c/laahi ubax, sheekh abuukar, gudoomiye xabeeb, ganacsade axmed ciraaq, iyo siyaasi maxamuud ruush iyo rag kale oo fara badan oo dhamaan booriyay barnaamijkan tilmaamayna in aan loo kala harin hooshan.

Ugu danbays ayaa waxaa shirka soo gabagabeeyay   gudoomiye Saney oo dhamaan u mahad naqay mar kale ka soo qayb galayaashii, waxaana loo balamay in mudo kooban gudaheeda lagu gaarsiiyo gurmad degdeg ah walaalaha ku dhibaataysan gobolka gedo, arrintaa oo laga balamay in isla beriba laga hawl galo .

Shirkan waxaa soo qabanqaabiyay gudi uu saaray gudoomayaha beesha Sade ee Koofur afriko, gudigaa oo dhamaan wada joogay shirka waxaana ka mid ah gudigii loo saaray abaaraha gobalka gedo, gudoomiye saney, Sheekh Maxamuud C/laahi Caga Dhigato, Saacid Maxamed Cadceed, Aadan Axmed Colaad  Adan Dheere, C/raxmaan Maxamed Maxamuud.

no images were found

Waxaa Diyaariyey Gudiga Abaaraha
Gobolka Gedo ee Johannesburg

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online