Maamulka Jubba oo sheegay in shir dib u hishiisiineed uu ka furmi doono magaalada Kismaayo

September 15, 2014 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Gudoomiyah gudiga dib u heshiisiinta beelaha wada dega Jubooyinka iyo Gedo Cabdi Baaley ayaa saxaafadda u sheegay in maalinta beri ah uu furmi doono shirka dib u heshiisiinta beelaha wada dega Goboladda Jubbooyinka  iyo Gedo isagoona shirkaan loo asteeyey 16/09/2014 sidda uu horay u iclaamiyey wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Bare.

Gudoomiyah gudiga dib u heshiisiinta Jubbaland Cabdi Baaley ayaa xusay in qorshuhu u ahaa in uu furmo shirka 21/09/2014 balse uu dib u dhac ku yimid maadaam la doonayey in ergooyinka oo dhan ay si dhaqso ah u yimaadaan magaalada Kismaayo sidaas darteedna uu wasiirka arrimaha gudaha Cabdulalahi Goodax uu go’aamiyey in shirka la qabto 16.10.2014 oo ku beegan maalinta beri ah.

Hadalka Gudoomiyah gudiga dib u heshiisiinta beelaha wada dega Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili uu shirka ka furmaya maalinta beri ah magaalada Kismaayo uu ka hor yimid Col. Bare Hiiraale oo hadda ku sugan Muqdisho isagoo sheegay in madaxda maamulka KMG ee Jubba ay xagal daacinayaa shirka dib u hishiisiinta ee loo wada balamay.

Col. Bare Hiiraale oo shalay shir saxaafdeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirkii loo dib dhigay 1/10/2014 isagoo sheegay in arintaas ay wada gaareen  Wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax  Bare.

Dhinac kale Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka KMG ee Jubba Gen. C/llaahiihi Sheekh Ismaaciil  “Fartaag” ayaa isagana sheegay in maalinta beri ah uu furmi doono shirka dib u hishiisiinta ee beelaha wada dega Jubooyinka iyo gobolka Gedo dhamaan ergooynkii ka qayb geli lahaa shirkana ay ka akala imaanayaa magaalada Muqdisho, Nairobi iyo Gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka KMG ee Jubba Gen. C/llaahiihi Sheekh Ismaaciil  “Fartaag” ayaa sidoo kale sheegay in xubno ka socda beesha caalamka  , IGAD iyo Qaramada Midoobay ay beri ka soo qayb geli doonaa si rasmi ahana uu shirku u furmi doono.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online