Madaxda maamulka Jubba oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalda Kismaayo

September 16, 2014 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:-Madaxda ugu saraysa maamulka KMG ee Jubba gaar ahaan madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe , ku xigeenadiisa , golahiisa wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan DFS oo shalay gaaray Kismaayo ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Kismaayo si ay u soo dhaweeyaan madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda oo saacadaha soo socda soo gaari doona magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa saaka qaban qaabo weyn oo lagu soo dhaweynayo wufuuda shalay ilaa saaka soo gaaray Ksimaayo waxaan la arkayaa ciidanka maamulka Jubba oo aad u adkeeyey goobaha loo asteeyey in la dejiyo wufuud iyo guud ahaan magaalada Ksimaayo.

Dhinac kale wufuud ka tirsan beesha caalamka ayaa iyagana saaka soo gaaray magaalada Kismaayo si ay uga qayb galaan shirka dib u hishiisiinta ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo. Wufuud soo gaaray Kismaayo saaka waxaa ka mid ah Wakiilka IGAD u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afay,Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.

Wixii soo kordha kala soco  Halgan.net

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online