Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo Madaxtooyada ku qaabilay madaxa mashaariicda Hay’adda UNOPS.[Masawiro]

September 18, 2014 - Written by Editor

IMG_8956Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Aqalka Madaxtooyada Garoowe ku Qaabilay Madaxa Mashaariicda Hay’adda UNOPS ee Soomaliya Mr Severio Bertolino. Eng.Axmed Aadan Kitara oo ah Madaxa Mashaariicda Hay’adda UNOPS ee Puntland ayaa Mr Severio Bertolino ku wehliyay ka qayb galka kullanka uu la qaatay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Qodobadii ay Kawada Hadleen Waxaa Kamid Ahaa :-

1.Dardar Galinta Mashruuca lagu dhisayo Dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso .

2. Dayactirka Jidadka isku Xira Magaalooyinka waaweyn ee Puntland kuwaasi oo muhiimad weyn u leh Kobcinta dhaqaalaha iyo isu socodka Dadka iyo Gaadiidka .

3.Dayactirka iyo Qalabaynta Guud ahaan Cisbitaalada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Severio Bertolino waxa ay isku afgarteen in mashaariicdan lagu dhameeyo mudo kooban, isla markaana ay dowladda Puntland si gaar ah ula socon doonto dhamaan Mashaariicdan .

Madaxweyne Dr. Cabdiweli Gaas waxa uu ugu Dambeyn Madaxa Mashaariicda Hay’adda UNOPS ee Soomaliya Mr Severio Bertolino u caddeeyey in Dowladda Iyo Shacabka Puntland ay diyaar u yihiin inay ka faa’idaystaan taageerada caalamiga ah ee Beesha caalamka iyo hay’addaha deeqaha bixiyaba siinayaan Puntlnd.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online