Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo madaxtooyada ku qaabilay saraakiil ka socotay xafiiska UNSOM ee Soomaliya.

September 25, 2014 - Written by Editor

IMG_9329Garoowe:-Madaxwaynaha DowladdaPuntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Xafiiskiisa Aqalka Madaxtooyada  kula kulmay Agaasimaha Mashruuca sharciga , Kala Dambeynta iyo Nabadgelyada UNSOM ee Soomaliya Mr.Waldemar Very.

Qodobada Muhimka ah ee Ka Soo Baxay Kullanka Waxaa Kamid ahaa :-

1. Dardar Galinta Mashaariicda Horumarineed ee UN-ta u Hayso Puntland.

2. Horumarinta Sharaciyada ,Kaladambeynta iyo Nabadgelayada (Role Of Low & Security Institutions Group ).

3.Taaba Gelinta Mashaariicda Horumarineed ee Hay’adda UNSOM ka Wado Puntland oo ay kamid yihiin:-

B.Tayaynta iyo Tababarka Booliska Puntland.

T.Tayaynta Hay’addaha Garsoorka Puntland.

J.Kor u Qaadida Tayada Ciidamada Asluubta Puntland.

X. Kor u Qaadida Xanaanaynta Maxaabiista Ku Xiran Xabsiyada  Puntland.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay Siyaasada xukuumadiisu in tahay wada shaqayn dhow oo ay la yeelato Hay’adda UNSOM iyo dhamaan Hay’addaha Caalamiga ah ee ka Howlgala Puntland .

Madaxda Hay’adda UNSOM ayuu Sidoo kale Madaxwayne Gaas kula dardaarmay in si hagar la’aan ah waxqabad muuqda ugu qabtaan Shacabka Puntland, taasina ay tahay Mowqifka cad ee Dowladda Puntland.

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online