Madaxweynaha DFS oo Cambaareeyey qaraxii ka dhacay duleedka Muqdisho

September 8, 2014 - Written by Editor

Dr.xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey is-qarxintii maanta kooxda arga-gixisada ka geeysatay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. qaraxa ayaa lagu dilay laguna dhaawacay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Madaxweyanaha ayaa yiri “ Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falka arga-gixisada. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxaan Eebbe uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

“Kooxahan Arga-gixisada ah ayaa caadeystay inay falal argagaxa ah u geystaan dadka shacabka ah. Waxaan leenahay nabad diidku waqtigiina ayaa dhammaaday, waana la kulmi doontaa Ilaahey idinkiisa ciqaabta xanuunka shacabkeennu u geysateen ” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dowladda waxaa ka go’an inay la dagaallanto kooxaha arga-gixisada waqtigooda sii dhammaanayo. Waxaana socda howlgaladii kooxahan looga sifeynayey dalka oo dhan.

Dhammaad.

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online