Madaxweynaha DFS oo xukuumada DFS ku raacay xil ka qaadista Sanbaloolshe furayna kalfadhiga golaha Baarlamaanka

September 20, 2014 - Written by Editor

DSC02552Muqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay kalfadhiga golaha baarlamaanka DFS waxaana uu khudbad kooban ka jeediyey golaha baarlamaanka DFS waxaana kalfadhiga ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu khudbadiisa uga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, siyaasada kuwaas oo la doonayo in ay ka doodaan xildhibaadanada  golaha Baarlamaanka DFS ka hor sanadka 2016.

Xarunta Golaha shacabka ee uu ka socdo kalfadhiga baarlamaanka DFS ayaa waxaa aad loo adkeeyey amaankiisa.

Dhanka kale Madaxweynaha DFS ayaa ku raacay golaha wasiirada DFS xil ka qaadista ay ku sameeyeen madaxii hore ee Sirdoonka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu xusay in Madaxweynaha uu aqbalay xilka qaadista agaasimihii hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe wareegtada ayaa waxay u qorneyd sidan .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markii uu arkay qodobada 90aad iyo 139 aad ee Dartuurka J.F.S, markii arkay xeer Lr yahay 14 ee soo baxay15 Febraayo 1970 kii kuna saabsanaa dhisamaha Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugid Qaranka, markii uu tixgeliyey go’aankii golaha wasiirada 18/09/2014, markii uu tixgeliyey qodobka 7aad ee sharciga Lr. 1 ee 3-dii Febraayo 1965 kuna saabsanaa nidaamka xukuumadda.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu soo magacaabo  Agaasimaha cusub ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online