Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo Laabtay Muqdisho.

September 3, 2014 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo qeyb galay xafladii Caleema saarka ee Madaxweynaha dalka Turkiya Recep Tayyip Erdoğan waxaa kale oo uu Madaxweynaha DFS uu ka soo qeyb galay shir lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kaas oo looga hadlayey khatarta wax ay reer galbeedka ku sheegaan Argagixisada.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamud ayaa waxaa sidoo kale socdaalkiisa ku weheliyeye Wasiirka arrimaha dibadda ee DFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu shirja,aaid ku qabto magaalada Muqdisho isaga oo ka warbixin doona kulamadii uu kaga soo qeyb galay magaalada Ankar iyo Nairobi waxaa kale oo uu ka hadli doonaa guulaha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

C/Casiis Maxamed

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online