Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud oo sheegay in wafdi madaxda sare ah ay tegi doonaa Puntland

September 12, 2014 - Written by Editor

MadaxweyneMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaalia Xassan Sheekh Maxamuud oo habeenkii xalay ka qeyb galay barnaamij bulshadu ay su’aalo ku weydiinayeen ayaa waxaa uu ka hadlay waxqabadka Dowladdiisa mudadii 2-da sanno , khilaafka u dhexeeya dowladda Puntland ,S/land iyo dowladda dhexe.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaalia Xassan Sheekh Maxamuud  ayaa sheegay in dowladdiisa ay wax badan qabatay oo maanta Soomaaliya ay leedahay dowladda sharci ah oo laga aqoonsan yahay aduunka walow ay jiraan duruufo adag oo weli hortaagan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud oo wax laga wiidiiyey khilaafka u dhexeeya dowladiisa , Puntland ayaa waxaa uu sheegay in khilaafka jira lagu xalin doono wada hadal dhawaan ay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay safar ku tegi doonaan magaalada Garoowe si  loo soo afjaro khilaafka jira isagoo ku celiyey in maamulka loo samay nayo Gobollada dhexe aysan waxba u dhimi doonin jirtaanka maamulka Puntland.

Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa xusay in Xildhibaano ka tirsan DFS oo ka soo jeeda deegaanada Puntland ee dhawaan tegay magaalada Garoowe lana kulmay madaxda sare ee Dowladda Puntand ay wada hadleen tabashooyinka Puntland ay soo gudbiyeen.

Dhinac  kale Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa ku celiyey in ay dowladiisu ay sii wadi doonaa wada hadal ay kula jireen maamulka S/land wixii tabasho ah ee jirana lagu xalin doono wada hadal cid la qasbayanay aysan jirin balse ay muhiim tahay in la raadiyo midnimada umada Soomaaliyeed.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online