Madaxweynaha Khaatumo Prof. Gallaydh oo ku dhawaaqay Golahiisa Xukuumada

September 14, 2014 - Written by Editor

galaydhSaaxdheer:-Madaxweynaha maamul gobolleedka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Gallayr ayaa maanta waxaa uu si rasmi ah u magacaabay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada. Prof. Cali Khaliif Gallayr ayaa waxaa uu ku dhawaaqay ilaa 7 wasiir iyo hal wasiiru-dowle oo ka tirsanaan doona golaha cusub ee xukuumada Khaatumo. Madaxweynaha maamul gobolleedka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Gallayr ayaa wasiirada uu magacaabay waxaa ka mid ah:-

1. Maxamed Cali Cartan oo loo magacaabay wasiirka arrimaha Dastuurka iyo Federaalka.

2. Mukhtaar Ciise Faarax oo loo magacaabay wasiirka Macdanta iyo Biyaha.

3. Xassan Muuse Cawl oo loo magacaabay wasiirka maaliyadda.

4. Axmed Gacmo Yare oo loo magacaabay wasiirka warfaafinta.

5. Kayse Cabdi Yusuuf oo loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta.

6. Faarax Cadde Faarax oo loo magacaabay wasiirka arrrimaha bulshada.

7. Ismaaciil Axmed Cali oo loo magacaabay wasiirka amniga.

8. Ibraahim Guure oo loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda xannaanada xoolaha.

Wararka hoose ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la shaacin doona xubnaha ka dhiman golaha wasiirada ee maamulka Khaatumo walow aan ilaa hadda la aqoon tiradooda rasmiga ah.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online