Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo furay shir looga hadlayo dib u habaynta shaqaalaha dowladda.(Masawiro)

September 24, 2014 - Written by Editor

DSC0463Garoowe:-Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay Ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland kaga Qayb galay Furitaanka shirka Dib u Habaynta Shaqaalaha Dowladda Puntland(Civil Service Reform Consultation Work Shop).

Wasiiro,Xildhibaano iyo Marti kale ayaa ka soo qayb gashay shirkaan oo loo qabtay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Puntland iyo Hay’addaha Madaxabanaan ee ka howl gala Gudaha Puntland .

Qaban Qaabada iyo Isku dubaridka Shirkaan waxaa Gacan Weyn ka gaystay Wasaarada Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland oo Gaashanaysa Hay’adda UNDP.

“Dib Uhabaynta Shaqaalaha Dowladda waa Tayayn Dowladeed waana wax aanu rabno in aanu kula tartano Dowladaha kale,go’aamada ka soo baxa shirkaan waxaan rajaynayaa in ay noqdaan kuwo mira dhal ah “Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne ku Xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Camay.

no images were found

Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Camay ayaa sheegay in Xukuumadu ay qaadanayso Talooyinka ka soo baxa shirkaan,waxana uu agaasimyaasha Guud ee ka qayb galaya shirkaan kula dardaarmay in si Mugleh uga shaqeeyan Dib u Habaynta lagu samaynayo Shaqaalaha Dowladda Puntland.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online