Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland oo tababar u furay Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland.[Masawiro]

September 15, 2014 - Written by Editor

IMG_8831Garoowe:-Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa waxa uu Maanta ka qayb galay Tababar Muddo Toban Cisho ah soconayo oo Caasimada Dowladda Puntland ee Garoowe loogu qabanayo Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland.  Qabashada Tababarkaan ayaa waxaa iska kaa shanaya Wasaarada Amniga Dowladda Puntland,Taliska Ciidanka Booliska Puntland,Hay’adda UNDP/ROLF,waana Tababar kor loogu qaadayo aqoonta Saraakiisha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa  Umahadceliyey Saraakiisha Kasoo Qayb Gashay Tababarkan Isagoona kula dardaarmay in Aqoonta ay ka faa’iidan Tababarkaan ay Dib ugu celiyaan Ciidanka Booliska Puntland si ay u noqdaan kuwo si wanagsan uguta Waajibka shaqo ee saaran.

‘’Waxaan Idiin Sheegeyaa CIlmi Badan ayaad halkan kabaranaysaan noocuu doonaba ha ahaadee waxaa laydiinka baahanyahay idinkuna inaad kafaa’iideysataan  degmooyinkii aad katimaadeena aad ugu  faa’eedysaan si isku xidhnaanta laamuhu ama Police ku ay u noqoto tii larabey’’Ayuu yiri Camay.

‘’Nin Lagu seexdoow haseexan Waad Ogtihiin Annana Waan Ognahay Inaad Shaqo dhib keeda leh Khatarteeda leh Aad Ummadda U Haysaan, eeddeeday leedahay, Dhaaweceday Leedahay , Gaajadeeday Leedahay, Wax walba way leedahaay oo qof bini aadam ah qabsada, Dhaleecaynteeday leedohoo waad ogtihiin’’Ayuu yiri Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixiin Camay.

“ Waan Ogahayoo Qofka Banii Aadamka ahi Waxkastoo Uu Sameeyo Kolley Lawaayi Maayo  Meel Wax Kabaydhaan, Markaa Inaad Qaadataan Waxkastoo Dhaleecayn ah oo Dadku Idin yiraahdaan waayo shaqaday kamid tahay , Inaad Qaadataan Oo weliba Dul kuqaadataan ayaa Loo Baahanyahya’’Ayuu yiri Camay .

no images were found

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online